Xukuumadda oo loogu baaqay in ay faragelinta ka joojiso doorashada Jubbaland

0
Friday August 09, 2019 - 22:45:57 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo loogu baaqay in ay faragelinta ka joojiso doorashada Jubbaland

    Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya aanay sharci ahaan xaq u laheyn inay farageliso doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland. Warka xildhib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya aanay sharci ahaan xaq u laheyn inay farageliso doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland. Warka xildhibaanka ayaa yimid ka dib markii maanta Warqad digniin ah oo ah in dowladda Soomaaliya aysan aqoonsan doonin doorashadda Jubbaland ay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay u hoggaansanto waxa uu farayo Dastuurka, isla markaana ka joojiso faragelinta doorashada Jubbaland "Dhismaha hay'adaha sharci dejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas'uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya"ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. Xildhibaan Mahad Salaad oo sii hadlayay ayaa yiri "Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland"




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip