Ethiopia Oo Beenisay Isku-Daygii Uu Ku Baxsan Lahaa Madaxweynihii Hore Ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida

0
Thursday August 08, 2019 - 12:40:59 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Oo Beenisay Isku-Daygii Uu Ku Baxsan Lahaa Madaxweynihii Hore Ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida

    Madaxa Maamulka Xabsiyadda ee dalkaasi waxa uu gaashaanka ku dhuftay warar horey u soo baxay maalmihii la soo dhaafay ee lagu sheegay inuu jiray Isku-day Fashilmay oo la doonayey in uu Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Maamulka Xabsiyadda ee dalkaasi waxa uu gaashaanka ku dhuftay warar horey u soo baxay maalmihii la soo dhaafay ee lagu sheegay inuu jiray Isku-day Fashilmay oo la doonayey in uu Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga uu ku xiran ee Qaaliti.

Mas’uulkaasi oo xalay Wareysi siiyey Taleefishinka Dayax-gacmeedka Ethiopia ee (The Ethiopian Satellite Television (ESAT) waxa uu sheegay inuu warkaasi yahay War Been ah, isla markaana uusan jirin wax Isku-day ah oo Cabdi Maxamuud Cumar loogu fududeyn lahaa inuu ka baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba.

Sida ay baahisay Idaacadda Wazema Radio ee magaalladda Addis Abeba, waxay Dowladda Ethiopia beenisay warka ku aadan inuu jiray Isku-day la doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti oo ku yaalla duleedka Addis Abeba.

Idaacaddu waxay sheegtay in shilkii Is-rasaasaynta ee ka dhacay meel ku dhow Xabsigaasi ahaa Isku-day ay Ciiddanka Ammaanka doonayeen inay ku soo qabtaan Nin magaciisa lagu sheegay Tamrat Bekele Tolla, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Eedeysane rasaas ku furay Saraakiil Bolis oo uu Hal Sarkaal ku dhaawacmay.

Warka ku aadanaa Isku-day la doonayey inuu Maxamuud Cabdi Cumar kaga baxsado Xabsiga waxaa markii ugu horreysay shalay lagu daabacay Bogga Afka Amxaariga ee Wargeyska The Ethiopian Reporter.

The Ethiopian Reporter waxa uu qoray inay Ciiddanka Ammaanka xireen dad lala xiriirinayo inay qorsheynayeen inay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida ka taageeraan inuu baxsado.

Ilo-wareedyo uu The Reporter soo xigtay ayaa sheegay inuu Isku-daygaasi dhacay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ee taariikhdu ahayd 5-tii August, isla markaana u uqorshahaasi ahaa inuu Cabdi Maxamuud Cumar baxsado, marka lagu soo celinayo Xabsig ee laga keeno dhegeysiga Maxkamadda ee Addis Abeba.

The Reporter waxa kale oo uu qoray in dad aan tiradooda la aqoonin gawaari ag dhigteen Albaabka laga galo Xabsiga Qaaliti, waxayna iska hor yimaadeen Ciiddanka Waddooyinka oo ku amray inay gaadiidka ka dhaqaajiyaan halka ay dhigteen.

Is-rasaasayn ay labada dhinac isweydaarsadeen waxaa lagu dilay hal qof, kaasi oo aan la ogeyn dhinacii uu ka tirsanaa.

Wargeyska waxa uu xusay in dadka doonayey inay Cabdi Maxamuud Cumar u fududeeeyaan inuu baxsado inay guri ka kireysteen meel ku dhow Xabsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar oo xirnaa tan iyo  dabayaaqadii bishii August ee sannadkii hore waxaa loo haystaa dacwado la xiriira dilkii Tobaneeyo qof, Barakicin dadka Deegaanka, Kaniisado lagu gubay magaalladda Jigjiga iyo iska horimaadyo dhacay bilowgii sannadkii hore ee 2018-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip