HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA AGOOSTO 2019-KA

0
Thursday August 08, 2019 - 12:01:11 in Wararka by
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA AGOOSTO 2019-KA

    KALLUUMEYSATADII U DHALATAY DALKA THAILAND EE KU XAYIRNAA XEEBTA BOSAASO OO DIB LOO CELINAYO Afhayeenka W/Arrimaha Dibedda ee dalka Thailand, Busadee Santipitaks ayaa shee gay inay Kalluu meystadaasi oo tiradoodu dhan tahay 50 qof isbuuca soo so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KALLUUMEYSATADII U DHALATAY DALKA THAILAND EE KU XAYIRNAA XEEBTA BOSAASO OO DIB LOO CELINAYO Afhayeenka W/Arrimaha Dibedda ee dalka Thailand, Busadee Santipitaks ayaa shee gay inay Kalluu meystadaasi oo tiradoodu dhan tahay 50 qof isbuuca soo socda dib loogu soo celin doono dalkooda hoo yo,isla markaana loo diyaari yey Tikidhada Diyaaradii ay soo raaci lahaayeen. Afhayeenka waxa uu til mamaay inay Maamulayaasha Soomaalida si wanaagsan uga soo jawaab celiyeen Cod si ay Safaaradda Thailand ee magaalladda Nayrobi ku dalbatay in laga taage ero sidii Kalluumeysatadaasi loogu fududeyn lahaa Socdaalkooda.


http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_C91F5D-01EEA3-E23B5B-8D5B1F-EDD129-8CC4DD.jpg&h=210&w=210

Waxa uu xusay inay Maamulgobaleedka Puntland xaqiijiyeen Ambabaxa Kalluumeys atadaasi, loona fududeynayo wixii Tashii laad si ay ugu soo laabtaan dalkodoa hooyo.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inay Kalluumeysatadaasi ku xayiran yihiin doon ida Kalluumey siga ee Waddani 1 oo taagan meel ka baxsan Xeebta magaalladda Bosaa so, isla markaana ay gabaab siga ka tahay Cuntadii iyo Biyaha la cabo ee u saarnaa Doonidaas.

Kalluumeysatadaasi oo tiradoodu dhan 50 Shaqaale ayaa waxay hadalhayntooda figta sare kaga jireen Wararka Caalamka, kadib,, markii mid ka mid ah Kalluumeysatadaasi oo saaran Doonida Wad dani 1 uu Wicitaan Mu uqaal leh ku sheegay inay xaallad khatar ah ku jiraan, isla markaana aysan wax mushaar ah qaadanin muddo 8 bilood ah.

FAAH FAAHIN:DIL KA DHACAY SUUQA BAKAARAHA EE MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Shalay gudaha Suuqa Bakaaraha ee M/Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsamayaqaan same eya Mobilada. Dad ku sugan Suuqa Baka araha oo la hadlayWarbaahinta ayaa u she egay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili uu halkaas ku sugnaa.Meydka Marxuum ka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shac ab ah oo halkaas ka Ag dhawaa,waxaana durbo goba ka baxsa day ragii fuliyay dilka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku daray aan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soo maaliya ay tegeen goobta falka ka dhacay, kuwaasi oo sameeyay baaritaano kooban oo ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa, haye eshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shisheeye ay aa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qor sheysan oo geystaan rag hubeysan Bastool ado.

TRUMP OO MAXAKAMAD LA TIIGSADAY MAAMULKA CALIFORNIA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_36D111-EAF0DC-525826-3351FE-FE073F-EAA035.jpg&h=210&w=210 Donald Trump Jey Madaxweynaha Mar aykanka iyo xubnaha xisbiga jamhuuriga ee uu ka tirsanyahay Mr Trump ayaa dacwad ku furey maamulka gobolka California ee dal ka Mareykanaka,kadib markii uu maamu lka asi meel mariayay shuruud ah in qofka musharaxa madaxwe ynaah noqonayo uu ku qas bayo in uu soo bandhigo cansh uurihii uu bixiyay. Gavin News om oo ah guddoomiyaha G/Cal ifornia oo dacwadaasi ay ku wajahan tahay kana tirsan xisbiga Jamhuu riga ayaa 7ba adkii hore saxiixay sharc igan oo la sheegay in saameyn ballaaran uu ku yeelan karo in Mr Trump uu markale isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Mareykanak.

Madaxweynaha Mareykanka iyo xisbigi isa ayaa dacwadan ay u gudbiyeen maxaka madda waxaa ay ku doodayaan in sharc ig an uu yahay mid xad gudub ku ah dastuur ka u yaal dalkaasi ee tilmaamaya shuruuda ha qofka musharaxa ah looga baa han yah ay.Maamulka gobolka California ee dalka asi Mareykanka aya sheegaya in sharci gan uu yahay mid quseeya oo kaliya codbi xiy aasha,kuwaasi oo codkoodi siinkara oo kal iya qofkii soo bandhiga canshuurtii uu bixiyay.

Dastuurka u degsan Mareykanka ee shu ruudaha qofka xilka madaxweynenimo qab anaya ayaa ah sedex qodob,kuwaasi oo ka la ah, in gudaha dalkaasi ku dhashey in uu yahay muwaadin Mareykan ah,in 35 sano uu ka weynyahay iyo in 14 sano uu degnaa dalkaasi,balse Xisbiga Trump ayaa u arkaa sharcigan cusub mid xad gudub iyo weerar ku ah qorshaha Trump uu markale xilka ugu tartamayo.

Waxaa la aaminsan yahay in Donald Tru mp uu yahay madaxweynaha kaliya oo aan la ogeyn canshuurtiisa,marka laga reebo Ge rald Ford oo xilkaasi hayay 1796dii,waxaana haatan muuqanaysaa in donald Trump uu wajahayo caqabado siyaasadeed oo hor leh.

SH. SHAAKIR OO SHAKI GELIYAY HESHII SKII AY LA GALEEN DOWLADDA FEDERAALKA IYO DIGNIIN CULUS OO…

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_3A6741-518B67-8E68BF-DB8A46-A94527-A40A38.jpg&h=210&w=210 Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shaki geliyay heshiiskii DFS ay la gal een, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhu usamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmu dug.

Qoraal ka soo baxay Sh.Shaakir oo loo diray R/Wasaare Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga QM ay aa looga dalbaday inay jawaab degdeg ah lo oga keeno arrimo socda oo ka baxsan he shiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay DFS gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka oo ku taariikheysan 5ta bisha Agosto ayaa lagu sheegay inay dhaceen arr imo xadgudub heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid Ciidamo dheer aad ah oo ka baxsan Heshiiskii, hadal heyn ah in Ciidamo Ajnabi iyo kuwa ka socda doDFS, howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Saraakiishii Ahlusuna ee lagu heshiiyay in la siiyo darajooyin oo aan weli la sharciyeyn, taasna ay niyad jab ku tahay ciidanka.

Sidoo kale waxaa looga dalbaday R/ Wasaaraha in bulshada qeybaheeda kala du wan ay ka sugayaan balanqaadyadii uu u sameeyay, booqashadii uu ku tagay deeg aanada Galmudug.

Ugu dambeyn waxaa loogu baaqay R/ Wasaaraha inuu faragelin degdeg ah ku sa meeyo xaaladaha soo kordhay, ayna keeni karto xadgudub balan ka baxyo arrimaha qoraalka ku xusan ee ay walaaca badan uga muujiyeen dhaq dhaqaaqyada socda.

GUDDOOMIYE MURSAL OO KA HADLAY KHI LAAFKA DOWLADDA DHEXE IYO MAAMUL GO BOLEEDYADA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_4964E3-160502-A7CC27-A582AD-C3E87E-025CDF.jpg&h=210&w=210 Guddoomiyaha G/Shacabka ee Baarl amaanka Soomaaliya Max amed Mursal Sh.Cabdi Rax maan ayaa waxaa uu ka ha dlay khilaafka u dhexeeya DFS iyo kuwa Maamu gob aleedyada ka jira dalka.

G.Mursal ayaa waxaa uu sheegay in ari maha la xiriira dastuurka la isku khilaafsan yahay, islamarkaana xal waara laga gaari doono. Sidoo kale Guddoomiyaha G/shac abka ayaa waxaa uu meesha ka saaray in khilaaf weyn uu ka dhexeeyo dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada ka jira dalka, sida uu u sheegay BBCda

Khilaafka maamul goboleedyada iyo do wladda dhexe oo ahaa mid dhowr jeer soo noqnoqday ayaa qaar badan oo kamid ah madaxdii dabada ka riixayay khilaafka wax aa ay noqdeen kuwa looga adkaaday doo rashooyinkii ka dhacay deegaanadooda, kuwa la heshiiyay dowladda federaalka iyo kuwa isaga baxay saaxadda siyaasadda.

DOWLADDA OO MUQDISHO KU SOO CELISAY DHALINYARO TAHRIIBTAY

M/muqdisho ee Caasimadda dalka Soo maaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhali nyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tagay dalka Libya, isla markaana dhibaat ooyin kala duwan ay ku heysteen.

Dalka Libya ayaa xilligaan waxaa ka jira dagaalo sokeeye, hayeeshee dhalinyarad aan la soo celiyay ayaa doonayay in ay u tahriibaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Dhalinyaradaan oo gaareysa illaa 12 Ru ux oo mid haweeney tahay ayaa waxaa so o celintooda gacan ka geystay Xafiiska Arr imaha Qaxootiga xuquuqda Carruurta Xafi iska RWiyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barak acayaasha Qaranka. Qaar ka mid ah Dhal inyarada dib loogu soo celiyay dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la soo kulmeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil, Raash in la’aan iyo inuu ku qabsanayo Magafaha

Libya oo doonaya lacag farabadan.

ISKU DAY UU XABSIGA UGA BAXSAN RABAY MADAXWEYNE CABDI ILEY OO FASHILMAY

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu fashilmay isku day la doon ayey in uu xabsiga uga baxsado madaxwey nihii hore ismaamulka Soomaalida dalkaasi Cabdi Maxamuud Cumar. Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku de yday inay xabsiga ka sii deyso Cabdi Max amuud Cumar, balse waxaa ka hortagay ciid amada ammaanka, kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac.

Sida ay qortay Addis Standard, kooxdan ayaa xabsiga uu ku xiran yahay madaxweyn ihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya shantii bishan hordhigay gaari nu uca VAN ah, si uu ugu baxsado, balse isku daygaasi uu fashilmay. Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay ra ggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xir ay.

Sidoo kale saraakiil dhinaca amniga ah ay aa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi uu Cabdi Maxamuud Cumar ku maqnaa ma xkamadeyntiisa, islamarkaana ay doonaye en raggaasi in marka la soo celiyo ay xoog kula cararaan. Madaxweynihii hore ee dow lad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xa bsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado.

HALKEE AYAY KU DAMBEEYEEN DHAKHAATIIRTII U DHALATAY KUUBA EE LA AFDUUBTAY?

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/dhakhaatir-cuba.jpg Taliyaha Guud ee Boliska dalka Kenya, Hilary Mutyambai ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin dadaalka lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Labo Dhakh tar oo u dhalatay dalka Kuuba, kuwaasi oo afar bilood ka hor laga qafaashay D/Mandera ee W/bari ee dalkaasi. Rag hub eysan ayaa waxay bishii April ee la soo dha afay qafaasheen Labada Dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herea Corea and La ndy Rodriguez, waxaana Hawlgalkii lagu af duubtay lagu dilay mid ka mid 2 Askari oo ila alo u ahayd Dhakhaatiirta.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya oo sha lay la hadlay Saxaafadda waxa uu tilmaam ay inaysan fasax u haysanin inay u tallaab aan xuduudka Somalia oo uu xusay in rum eysan yihiin in Dhakhaatiirta lagu haysto.

Waxa kale oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan 3 Eedeysane oo uu magacyadooda ku kala sheegay Jackson Okelo oo 26jir ah, Paul Ayub oo 18jir ah iyo Ibraahim Maxam ed Xamdaan oo 17jir ah, kuwaasi oo uu xu say inay Baarayaasha ka taageerayaan Kiis kaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanay aasha bixiyeen Warar ku aadan Afduubkii Dhakhaatiirka Kuubaanka, isla markaana ay rajeynayaa inay gacanta ku soo dhigaan dha maan xubno kale oo xogtooda la siiyey, waa sida uu sheegtay.

Warar hore ayaawaxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirtaasi ay codsadeen lacag madax furasho oo dhan 1.5 million oo Dollar.Dhinaca kale, Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu soo xigtay Warbixin ay Hay’addaha Ammaanka Kenya dhawaan soo saareen, taasi oo muujinayso in Dhakhaatiirta Kuubaanka loola dhaqaaq ay Hawdka Deegaanka Halaanqo oo u dhow M/Baraawe, halkaasi oo la sheegay inay ku soo biireen Islaamka.

Balse, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi. Si kastaba ha ahaatee, Odayaal Dhaqameed deggan Mandera ayaa waxay horey u sheegeen inay Alsahabaab gacanta ku hayaan Labada Dhakhtar oo la gu hayo dhulkaymeed Fog oo ku yaalla Jubbooyinka.

XISBIYADA SIYAASAD EE DALKA OO DOW LAD AHA DERISKA AH UGA DIGAY FARA GELINTA DOORASHADA JUBBALAND

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/War.jpgQaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa war ka soo saaray Doora shooyinka la filayo inay dhawaan ka dhac aan Magaalada Kismaayo. Warsaxaafad eed ay si wadajir ah u soo saareen Xisbiya da kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ila ys, Xisbiga Nabadda ayaa waxaa ay dowlad aha deriska qaarkood uga digeen faragelinta ay ku hayaan arrimaha doorashooyinka dowl ad Goboleedyada dalka,isla markaana wax aa ay ugu baaqeen inay ka fogaadaan oo aa nay dhicin mid la mid ah wixii ka dhacay Ba ydhabo sanadkii hore.

Sidoo kale Warka ay soo saareen xisbiy ada ayaa waxaa ku sheegeen inay walaac xoogan ka qabaan faragelinta dowladda Federaalka ay ku heyso geedi socodka howlaha Doorashooyinka Jubbaland ,iyago ona Madaxda dowladda ugu baaqay inay ka dambeeyaan laamaha amniga Jubbaland.

Ugu dambeyntii Xisbiyada kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Xisbiga Nabad da ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay ka foojignaadan meelaha uga soo wada jeestaan wixii dhaawacaya kalsoonida dhe xdooda ah midnimadoodana kala dhantaal aan.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka ay soo saareen Xisbiyada dalka.

MUSHARAXIINTA MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO SHURUUDO KU XIRAY KA QEYB GALKA DOORASHADA

Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha dowlad Gooleedka Jubb aland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Doorashada Madaxtinimada maamulka Jub baland oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Musharaxiinta Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddiga Dooras hooyinka ee haatan shaqeynaya,isla marka ana Codsaday in isbedel lagu sameeyo Guddiga,lana magacaabo Guddi Cusub.

Waxaa kaloo ay Codsadeen Musharaxiinta in DF iyo Beesha Caalamka goob joog ka ahaadaan Doorashada. Sidoo kale Mushar axiinta ayaa Dorraad kulan la qaatay Guddi ka socday Urur Goboleedka IGAD ee ku sugan M/Kismaayo,kuwaasi oo halkaas u joogay u kuurgalida hannaanka doorashooyinka Jub baland.

Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saa reen Musharaxiinta Madaxweynaha Jubb aland.

1In la kala diro guddi ku sheega doo rash ada Jubbaland.

2In la magacaabo guddi doorasho oo cusub

3In odayaasha dhaqanka rasmiga ah oo kaliya ay xildhibaanada so xulaaan

4In halkii boos hal magac oo kaliya uu odey dhaqameedku soo gudbiyo

5In doorashada lagu qabto goob dhexdhex ad ah sida Xerada UNka

6In ay AMISOM ay ilaaliso amniga doora shada iyo kan musharixiinta

7In Dowladda Federaalka iyo Beesha Caa lamka goob joog ka ahaadaan doorashada.

8In warbaahinta caalamiga ah iyo kuwa ma xaligaba ah ay doorashada si toos ah u tabi yaan.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/8.jpgBEELO KU DAGAALAMAY DULEEDKA WAR SHEEKH OO LA HESHIISIIYAY

Maamulka D/Warsheekh ee G/Sh/ Dhexe ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro Khilaaf u dhaxeeyay laba Beelood oo walaala ah, kuwaasi oo ku dagaalamayay deegaano hoos yimaada Degmada Warsheekh.

Gogosha lagu heshiisii naay ay Labadaan Bee lood ayaa waxaa soo diy aariyay Maamulka Warsheekh ee uu hor kacayo Guddoomiye Axmed Xuseen Axmed (Shiidka), Waxaana ka soo qeyb galay Xil dhibaan Maxamuud Xuseen Mooge iyo Gud doomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan.

2aan beelood ayaa ku hesiiyay Qodob adaan.

In lajoojiyo Xabada lana kala qaado Ciidam ada.

In 19/8/2019 leysugu yimaado Tuulada Shii khyaale taasoo Go’aan looga gaari doono Dhulki khilaafka ka dhashay.

Ugu dambeyntii waxaa la magacaabay Gu ddi labada dhinac ah oo ka shaqeyndoona Fulinta Heshiiskaan.

XILDHIBAAN LAGA SAARAY AQALKA BAARLAM XILDHIBAAN LAGA SAARAY AQALKA BAARLAM AANKA KENYA KA DIB MARKII AY LA TIMID CANUGEEDA

Zulekha Xasan oo baarlamaanka laga saarayoHaweenay xildhibaanad ah ayaa laga saaray baarlamaanka Kenya ka dib markii cunug yar oo ay dhashay ay aqalka baar lamaanka la timid.

Zulekha Xasan ayaa sheegtay "in xaalad deg deg ah ay la soo gudbo onaatay taasina ay tahay sababta ay kalf adhiga baarlama anka ula timid cunugeeda ..

Howlaha baarlamaanka oo si toos ah lo oga tabiyo telefishinka qaranka Kenya ee KBC ayaa si kumeelgaar ah hakad loo gal iyay ka dib markii haweenaydan ay soo ga shay aqalka baarlamaanka iyada oo sidata cunugeeda oo dhowr bilood jira.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka ayaa shaqo adag kala kulmay sidii uu u xak amayn lahaa xildhibaanada oo qaarkood ay bilaabeen inay buuqaan halka qaar kale ay aad ula yaabeen .

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka oo kalfadhiga shir gudoominayay ayaa waki ilka haweenka dowlad goboleedka Kwale ku amray inay aqalka ka baxdo,isaga oo she egay in tallaabadeeda ay tahay "mid ugub ah oo aan horey loo arkin".

Ms Xassan ayaa ka dib warbaahinta u sheegtay in aqalka baarlamaanka aan wali loo dhisin qolal u gaar ah haweenka iyada oo ay jirto in horey logu heshiiyay 2013.

"Waxaan isku dayay xaqiiqadii in aan cun uga la imaan aqalka baarlamaanka ,balse Shalay arrin degdeg ah ayaa i qabsatay, "ayay tiri.

Waxay intaa ku dartay in maadaama ay baarlamaanka Kenya ku soo biirayaan xildh ibaano badan oo haween ah in loo baahan yahay in la helo goobo u gaar ah.

"Hadda waxaan codsanaynaa in haween badan ay baarlamaanka ku biiraan,waa in aan helnaa jawi u wanaagsan haweenka. "ayay tiri xildhibaanad Zulekha Xassan.

Sida uu dhigayo xeerka baarlamaanka Ke nya aqalka baarlamaanka looma ogola dad ka aan xubnaha ka ahayn sida caruurta.

Ka saaridda xildhibaan Zulekha Xassan laga saaray aqalka baarlamaanka ayaa waxaa ay dood ka dhalisay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah dadka ayaa ku ammaanay ficilka ay samaysay xildhibaan Zulekha Xassan iyaga oo farta ku fiiqay in dalalka kale caruurta la ogol yahay in aqalaka baarlamaanka lala yimaado.

Balse dadka qaar ayaa barta Tweetarka ku dhaliilay haweenaydan oo ay sheegeen inay magac raadinayso.

NIN MAYDKA HOOYADIIS BIXIYAY OO QARAXYO LOO ISTICMAALAY

Nin ayaa maydka hooyadiis ku wareejiyay xarun cilmi baaris seyniseed si loogu same eyo daraasad caafimaad oo xagga xanuun ka hilmaamka ah oo uu aaminsanaa in ay wax tarayso bulshada, balse wuxuu hanfariir la kulmay kadib markii uu ogaaday in loo isticmaalay tijaabo dhanka qaraxyada ah.

Qaliin7aadkii hore waxaa soo baxay macluumaad la xiriira fadeexad lagu helay xarun seeynis oo ku taala gobolka Arizona kadib markii ay hawlgal ku fuliyeen ciidamo ka tirsan FBIda Maraykanka, halkaasna ay ka heleen boqolaal mayd oo xubnahooda jarjaranyihiin, kuwaas oo aan loo haysanin wax ogol aansho ah.

Jim Stauffer ayaa dacwad ku furey xar untan, wuxuuna sheegay in maydka hoo yadiis lagu wareejiyay militariga, kuwaas oo u isticmaalay tijaabo dhanka qaraxyada ah.

Haddaba sidee loo isticmaali karaa mayd adka marka ay eheladooda siiyaan xaruma ha cilmi baarista iyo isbitaalada?

Maydadka caykan ah waxaa kormeer iyo la socod ku samaysay wasaaradda caafimaad ka iyo adeedda dadka ee Maraykanka, wax aana sharci daro ah in la iibsado mayd ama lasii iibiyo, balse waxaa la ogolyahay in qi dmad laga qaado qofka taas oo lagu dabo olayo qarashka qaadista, gooshinta, iyo wal iba kaydinta maydka ama xitaa duugista.

Ma jiro diiwaan la ogyahay oo adduunka yaa la oo lagu diiwaangaliyo maydadka la siiyo ama loogu yabooho xarumaha cilmi baar ista.

Balse waxaa la aaminsanyahay in kuma naan mayd sannad kasta dalka Maraykanka lagu wareejiyo xarumaha caafimaadka , iya da oo sidoo kale loo isticmaalo cilmi baaris kor loogu qaadayo aqoonta caafimaadka iyo dedaalka la dagaalanka cudurada.

Jaamacadaha ayaa maydadka u isticmaala in ay ardayda ku baraan qaliinka iyo samay ska jirka bini'aadamka ee gudaha. Waxaana ka mid ah jaamacadda California oo si huf naan ah u samaysa hawlahan.

Brandi Schmitt oo ah agaasimaha waaxda cilmi baaristaa jaamacadan ayaa BBCda u sheegay in waxa laga yeelayo maydka ay ku xirantahay hadba xarunta lagu wareejiyo.

Waxa uu intaas ku daray in shuruucda had da jira aysan ku filnayn in ay xaq dhawraan maydka iyo sababa loo isticmaalo karo.

Xarunta Arizona ee hadda la xiray ayaa la sheegay in qoysaska ay u balanqaadaysay in si lacag la'aan ah ay ugu duugayso may dadka ama ugu safrineyso ama ugu kay dinayso, taas oo soo jiidatay dad badan oo daqligoodu yaryahay.

Ninka xarunta leh ayaa dambiyo lagu heley sannadkii 2015kii, waxaana hadda dacw ado kala duwan ku furay qoysas uu si qa ldan u isticmaalay maydadka qaraabadooda.

Dalka UK waxaa ku yaala illaa 19 xarumood oo aqbala yabooha maydadka ama in may dad la siiyo, waxaana jirta hay'ad dowladeed oo arrimaha qaabilsan.

Balse dalal badan oo adduunka waxaa ma ydadka xakameeya diinta dadkaas ay hay staan, iyada oo dalalka Afrika qaarkood ay wax aad u xun ka tahay in maydka qofka la bixiyo.

Dalka Qatar maydadka waa lasoo dho ofsadaa si loogu sameeyo cilmi baaris seeyniseed , waxayna hawshan soconaysay 12 kii sanno ee lasoo dhaafay.

Isbitaalka Aspetar ayaa shaqadaasi qab ta, waxaana ku tabobarta arday dunida oo dhan isaga timaada.

Maydadka intooda badan ayaa laga soo dho ofiyaa dalka Maraykanka, waxaana haw shaas qabta illaa 6 wasaaradood oo Qatar ah.

MUWAADIN HAYSTA DHALASHADDA JARMALKA OO LAGU XIRAY TURKIGA

TURKISH-AND-GERMANY-FLAGSWarbaahinadda Jarmalka ayaa sheegay in Muwaadin kale oo haysta Dhalashadda Jarmalka lagu xiray Turkiga, laguna soo oogay inuu faafinayey Dacaayad ka dhan ah Turkiga.

Ninkaasi oo asal ahaan u dhashay Turkishka oo magaciisa lagu soo koobay Osman B ayaa la sheegay in la xiray 9 maalmood ka hor, xilli uu doonayey inuu galo dalkaasi, wuxuuna wajihi karaa xabsi dhowr sanno ah.

Eedeysanaha oo 36jir ah, ayaa loo haystaa inuu Bartiisa Facebookga ku faafiyey Dacaayad la xiriirta Argagixisadda

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Federalka Jarmalka waxay xaqiijiyeen Xarigiisa, iyagoo sheegay inay Safaaradooda ku taalla Ankara iyo Qunsuliyada magaalladda Antalya ku gudajiraan xaluhelista Kiiskaasi

XANUUN HALIS AH OO KA DILLAACAY DALKA FILIBIIN IYO DOWLADDA OO XAALAD DEGDEG AH SOO ROGTAY

kaneeco9D /Filibiin ayaa ku dhawaaqday in dalkee da ay kusoo rogtay xa alad deg deg ah, ka ddib markii uu ka dilla acay xanuunka Deng ue. Illaa 622 qof ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen xanuunkan oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddig.

Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bi shii Jannaayo ee sanadkan ilaa bishii Julaay ay dowladdu diiwaangelisay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Dengue. Dowladda ayaa tibaaxday in 98% uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbardhigo sanadkii tag ay. Wasiirka ayaa ku macneeyay xaaladda degdegga ah ee ay dalka kusoo rogeen mid u ogolaanaya dowladaha hoose ee mag aalooyinka, in ay helaan kaalmo degdeg ah oo ay kula tacaalaan xanuunkan halista ah.

Dhakhaatiirta ayaa sheegtay in cudurka Denga uu leeyahay xumad sarreysa, Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala goysyada jirka, matag, nabaro ka soo baxa oogada bukaanka, dhibaato dhanka neefta ah, dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.

DOWLADDO UGA DIGAY MUWAADINIINTOODA IN AY U SAFRAAN DALKA MAREYKANKA

Dowladdaha Venezuela iyo Uruguay ay aa uga digay muwaadini intooda in ay u sa fraan Mareykanka, kaddib toogashadi dad ka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio. 2ni waddan ee ku yaalla Latin Amer ica ayaa dig niintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka.

War kasoo baxay wasaaradda arrima ha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxa ddar iyo feejignaan dheeraad ah, sabab too ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka.

Sidoo kal Wasaarradda Arrimaha Dibad da Venezuelan ayaa kula talisay muwaadi niinteeda inay hakiyaan socdaalka ay ku tagaan Mareykanka, sababo la xiriira nace yb iyo cunsuriyad kasoo muuqatay Mare ykanka. Dhawaan dalalka Germany, New Zealand, Canada, Ireland, China iyo Baha mas ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usoo safraan dalkaan Mareykanka.

VOA

JUBBALAND OO SHAACISAY TALLAABO AY KA QAADEYSO ODOYAASHA QAATA AMARKA ALSHABAAB

Iyada oo dhawaan AlShabaab ay soo bandhigeen qeybtii u horeysay Odayaa sha iyo Ergadii soo xushay Xildhibaanna da Baarlamaanka ee iska diiwaan geliyay xarumaha AlShabaab ayaa war ka soo ba xay maamulka Jubaland waxaa uu digniin loogu diray Odayaashaas.

Lataliyaha dhinaca amniga ee Madax weynaha Jubbaland Cabdi Mahdi Cabdis alaan ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaa dayaan Odayaashaas, isagoo xusay in Odayaashii u tagay AlShabaab ay iyaga na la mid yihiin.

Sidoo kale waxaa uu uga digay Oday aasha ku nool deegaannada Jubbaland in ay qaataan Amarada AlShabaab, cidii qa adatana aysan ku soo laaban karin dee gaanadooda. Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha ay la kulmi doonaan ciqaab ay kamid yihiin ganaax iyo xabsi mudo Lix bilood ah.

In kabadan 150 Oday dhaqameed oo kat irsan Odayaasha dhaqanka Beelaha Soo maaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay iska diiwaan geliyay Xarumaha Alshaba ab ee ku yaalla gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

MACALUUL KU DHUFATAY ZIMBABWE IYO QM OO QEYLO DHAAN DIRTAY

Q/Midoobay ayaa sare u qaadday qeylo dhaanta degdega ah ee ku aaddan xaaladda macaluuleed ee la soo gudboon aatay dadka reer Zimbabwe.QM ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 mily an oo qof oo ah saddex meelood meel shacabka wadankaasi in ay u baah an yihiin cunno gargaar ah. Madaxa barnaamijka cunnada adduunka WFP, David Beasley, ayaa sheegay in qaar ba dan oo dadkaasi ka mid ah ay qarka u saa ran yihiin inay macaluul u geeriyoodaan.

Xaaladdan adag ee ka taagan Zimbab we ayaa loo aaneynayaa abaar baahsan, duufaan dhawaan ku dhufatay iyo dha qaalo xumo muddo soo jirtay oo dalkaasi daashatay. WFP ayaa sheegtay in ay u baahan tahay lacag ka badan 330 milyan oo dollar si ay ula tacaasho xaaladda dad ka gaajaysan ee Zimbabwe.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in abaarta dalkiisa ka taagan ay tahay musiibo qaran.

Wasiirka maaliyadda dalkaas Mthuli Nc ube ayaa kulan caalami ah oo looga hadl ayay xaaladda dalkiisa ka sheegay in dow ladda Zimbabwe ay la fajacday saamaynta ay reebtay abaarta.

Shacabka Zimbabwe oo ka muragsan xaaladda dhaqaale xumo ee ka taagan da lkooda ayaa xisbiga ugu weyn mucaarad ka ee MDC waxa uu sheegay inuu qorshe ynayo dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo habka ay dowladda u maaraysay dhaqaalaha wadankaas.

FRANCISCO MADEIRA "ALSHABAAB WAXAY DOONAYAAN INAY NOQDAN AWOOD SIYAASADEED”

MADERIE Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha So maliya, ahna Madaxa Haw lgalka AMISOM, Ambass ador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo uu kaga hadlay Alshab aab iyo Kaalinta Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Ambassador Francisco Madeira OO AH Diplomaasi u dhashay dalka Mosambiik wa xa uu tilmaamay inay Dagaalamayaasha Als habaab adeegsadaan Taatikadda Dagaalka Jabhadaynta, isla markaana aysan awoodin inay Ciiddanka AMISOM wejikaweji ula da gaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshaba ab doonayaan inay noqdaan Awood Siyaas adeed, iyagoo adeegsanaya Islaamka oo uu xusay inay tahay Diin wanaagsan oo Nab adeed.

Dhinaca kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu ka hadlay doorka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna bogaadiyey waxa uu ugu yeeray Istaraatij iyadooda Dagaal ee Ladagaalanka Alshab aab

Waxa kale oo uu sheegay inay Ciiddanka Kenya dhabo muhiim ah u fureen dadka iyo xamuulkooda, oo uu ugala jeeday Furit aanka Waddooyinka isku xira Degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Goballadda Jub booyinka, una dhow xuduudka Kenya.

Ciiddanka Kenya ee Somalia soo galay bi shii October 16dii ee sannadkii 2011kii, wa xay khasaarihii ugu darnaa ka soo gaaray Weerarkii cuslaa ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15dii ee sanadkii 2016kii ku qaadeen Saldhigii ay ku lahaaye en Deegaanka Ceelcadde ee Gobalka G edo, halkaasi oo lagu dilay boqolaal Askar Kenyan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ilaa haatan ma aysan shaacinin tirada ras miga ee Ciiddankii looga dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceelcadde .

KALFADHIGA 5AAD EE GOLAHA SHACABKA OO LA SHAACIYAY INUU XIRMAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Md.Max amed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ay aa shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee G/Shacabka Baarlamaanka. Qoraal uu soo saaray Md. Mursal ayuu sheegay in Ka lfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka uu si ras mi ah u xirmay 27kii July and 2019,kadib markii uu furmay 27kii Maarso ee sanadk an 2019 uu furay Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Qoraalka Guddoomiyaha ayaa waxaa dhammaan Xildhibaanada G/Shaca bka lagu wargeliyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha,isla markaana Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono 27ka September 2019.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/Warqd.jpg

DAD KU GEERIYOODAY HAWEEN ISKU QARXIYEY NIGERIA

2 Haween oo ka tirsan Kooxda Boko Har am ayaa la sheegay inay isku qarxiyeen Deg madda Mafa ee W/bari ee dalkaasi, halkaasi oo ay 3 qof oo rayid ah ku geeriyootay, 8 kal ena ku dhaawacmeen. Shaqaalaha Gurmad ka ayaa sheegay inay 2daas haween isku qarxiyeen dad ku sugnaa Degmadda Mafa oo 50 KM u jirta Caasimadda Gobalka Borno ee Mayduguri.Haweenkaasi ayaa la shee gay inay isku soo dhex qariyeen koox Hawe enka Deegaanka oo ku soo laabtay D/Afha yeenka Deegaanka, Adaamu Maxamed wa xa uu sheegay inay Haweenekaasi weerarka la beegsadeen goob ay dad badan joogeen.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay bishii June ee sa nnadkan, iyadoo ugu yaraan 30qof lagu dil ay 3 Isqarxin oo ka dhacday goob lagu daa wanayey Ciyaar Kubbadda Cagta.

SOOMAALIYA

MARKII LACAG-LA'AAN - OGAYSIIS CAASHAQ

_______________________

DHAQANKA

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) ee5959 Las Colinas Boulevard, Irving, Texas 75039-2298, Mareykanka

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Alaab dheeri ah oo qaran.5 & 7. Macdanta, dhulka, dhagaxyada, asphalt, bitumen, marmar, sulphur, fossil, shidaalka adag & dareeraha, coke & shidaalka; saliidaha saliida & dhammaan waxyaabaha kale ee fasalka; alaabada kiimikada ee warshadaha, sawir qaadista, haraaga, bacriminta dabiiciga & dabiiciga ah, walxaha kiimikada ee beeraha.

OGAYSIISU SIYAASADU WAA SIYAASADDA in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsi kasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay.


SOOMAALIYA

MARKII LACAG-LA'AAN - OGAYSIIS CAASHAQ

_____________________

101858

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) ee5959 Las Colinas Boulevard, Irving, Texas 75039-2298, Mareykanka

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Macdanta, dhulka, dhagaxyada, asphalt, bitumen, baaruudka, fosillada, shidaalka adag & dareeraha, coke & shidaalka agglomerated. Saliidaha saliidda leh & dhammaan waxyaabaha kale ee fasalka ku jira.

OGAYSIISU SIYAASADU WAA SIYAASADDA in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsi kasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay.


SOOMAALIYA

MARKII LACAG-LA'AAN - OGAYSIIS CAAFIMAAD

__________________

VACTRA

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

Exxon Mobil Corporation, waa shirkad abaabulan oo ka jirta sharciga Gobolka New Jersey (U.S.A.) ee5959 Las Colinas Boulevard, Irving, Texas 75039-2298, Mareykanka

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

Macdanta, dhulka, dhagaxyada, rafufka, bitumen, marble, baaruudda, fosillada, shidaalka adag & dareeraha, coke & shidaalka agglomerated. Saliidaha saliida leh & dhamaan alaabada kale ee fasalka.

OGAYSIISU SIYAASADU WAA SIYAASADDA in talaabo sharci ah laga qaadi doono shaqsi kasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip