Nidaamka Lacag-Bixinta Ciidanka DFS Oo Wax Ka Bedeshay Xaalladda Askarta

0
Wednesday August 07, 2019 - 22:25:56 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamka Lacag-Bixinta Ciidanka DFS Oo Wax Ka Bedeshay Xaalladda Askarta

    Tan iyo markii ay Somalia ka bilaabantay Mashruuca isticmaalka hubinta ee Biometric iyo Aqoonsiga Dijitalka waxaa fududaatay qaabka ay Ciiddanka ku helaan Mushaarkooda, iyagoo si toos ah Lacag-bixinta Bangiyadda si toos ah ugu dhacdo Ciiddanka. Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay Somalia ka bilaabantay Mashruuca isticmaalka hubinta ee Biometric iyo Aqoonsiga Dijitalka waxaa fududaatay qaabka ay Ciiddanka ku helaan Mushaarkooda, iyagoo si toos ah Lacag-bixinta Bangiyadda si toos ah ugu dhacdo Ciiddanka. Dadaal kale ayaa socda o ola doonaya in Mashruucaasi lagu ballaariyo, lana gaarsiiyo Maleeshiyaadka Isbahaysiga la ah Milliteriga Qaranka. Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegtay inay DFS haatan diiwaan-gelinayso Dagaalamayaasha ka yimid Maleeshiyadda Isbahaysiga iyo ciiddanka dhaawacmay iyo kuwa Hawlgabka noqday. Sida laga soo xigtay Wargeyska Strategy Page Taliyayaashii lagu helay Dembiyadda Lacagaha la musuqmaasay ee Ciiddamadda laguma soo oogin dacwad, balse, qaar ka mid ah ayaa shaqdooda ku waayey is-daba-marinta Lacagihii Ciiddamadda.Nidaamka Farta iyo Isha ee lagu qaaday Iskaanka Biometric ayaa lagu kaydiyaa dhamaan Macluumaadka Ciiddanka, waxaana lagu hubiyaa inay Mushaarkooda si toos ah uga helaan Xisaab-lacageedka Bangiyadda, waxaana laga gudbay Nidaamkii uu Taliye ama shaqsi kale u dhexeyn jirey Lacag-bixinta Ciiddanka. Hoggaamiyayaasha Maleeshiyooyinka waxay oggolaadeen in Dagaalamayaashooda ee la helo Nidaamkooda Biometric in laga saari doono Nidaamka Lacag-bixinta ciiddamadda. Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay abuurtay Nidaamka Asaasiga ee Aqoonsiga Shaqsiyadeed ee (ID System), taasi oo ay ka taageerayso Hay'adda Dowladda Pakistan ee Xogta Qaranka iyo Diiwaan-gelinta ee NADRA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip