Ethiopia Oo Lagu Xiray Dad Qorsheynayey Inay Xabsiga Ka Sii Daayaan Madaxweynihii Hore Ee DDSI

0
Wednesday August 07, 2019 - 22:19:41 in Wararka by
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia Oo Lagu Xiray Dad Qorsheynayey Inay Xabsiga Ka Sii Daayaan Madaxweynihii Hore Ee DDSI

    Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay dad u xireen Isku-day lagu doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba. Wargeyksa The Reporter ee ka soo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay dad u xireen Isku-day lagu doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba. Wargeyksa The Reporter ee ka soo baxay Ethiopia ayaa qoray in bishan August 5-dii la xiray dad doonayey inay Cabdi Mxaamuud Cumar xoog ku sii daayaan, xilli isaga loo sii waday Maxkamadda. Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka dad xireen, isla markaana ay qabteen hub aan cadadiisa la sheegin. Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida oo xilka laga tuuray bishii August ee sannadkii hore ee 2018-kii, iyadoo ay Ciiddanka Federalka xilligaasi ka soo qabteen magaalladda Jigjiga. Wxaa lagu eedeyey Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha iyo inuu amray in dad surka laga jaro.Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sannadkan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ethiopia waxa uu sheegay inuu Xafiiskiisa soo gebagebeeyey Baaritaanadda dacwadda loo haystay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tobaneeyo Saraakiil isaga la shaqeynaysay. Baaritaanadda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi oo socday muddo 5 bilood ah ayaa waxaa lagu sheegay in dacwado lagu soo oogay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo 40 Saraakiil oo weli baxsad ku jira. Xeer-ilalainta waxat sheegeen inuu Cabdi Maxamuud Cumar iyo dad la eedeysan ay ka dambeeyeen dilkii 58 qof oo uu ku jiray Baadari lagu gubay Kaniisad iyo dhawaaca 266 kale muddadii ay socdeen Colaadaha, iyo inuu Cabdi maxamuud Cumar dhiiri-geliyey qalalaasihii ka dhacay Jigjiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip