Hordhac: PSG v Chelsea – Blues Oo Dooneysa Inay Aargudato Xilli PSG Aan Laga Badinin 44 Kulan Islamarkaana Ay 24 Dhibcood Ku Heyso Hogaanka Ligue 1.

0
Tuesday February 16, 2016 - 10:49:37 in Sports News by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: PSG v Chelsea – Blues Oo Dooneysa Inay Aargudato Xilli PSG Aan Laga Badinin 44 Kulan Islamarkaana Ay 24 Dhibcood Ku Heyso Hogaanka Ligue 1.

    Kulanka: PSG v Chelsea Garoonka: Parc des Princess Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Tababare Laurent Blanc ayaa ka warqaba in xilli ciyaareedka Paris Saint-Germain lagu garsoori doono halka ay ka gaaraan Champions League xilli ciyaareedkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: PSG v Chelsea Garoonka: Parc des Princess Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Tababare Laurent Blanc ayaa ka warqaba in xilli ciyaareedka Paris Saint-Germain lagu garsoori doono halka ay ka gaaraan Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo isku diyaarinaya inay sannadkii seddexaad oo isku xigta la ciyaaraan kooxda Chelsea.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaan laga badinin 44 kulan oo ay ciyaareen kulamada maxaliga ee dalka Faransiiska, sidoo kalena lagama badinin tan iyo guuldaradii soo gaartay kulankii afaraad ee wareega group-yada Champions League, waxaana ay 24 dhibcood hogaanka horyaalka Faransiiska ay kaga hayaan kooxda Monaco oo kaalinta labaad ku jirta.

Chelsea xaalkeeda sidaasi waa ka duwan yahay waxaana soo maray xilli ciyaareed adag ka dib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku soo guuleysteen Premier League, waxaana ay xilli ciyaareedkan ku jiraan 10ka kooxood ee ugu hooseeya horyaalka. Waxaase niyad-dhis u noqon kara in tababare Guus Hiddink aan laga badinin 11 kulan uu ciyaarsiiyay kooxdiisa tan iyo markii uu bedelay Jose Mourinho bishii December.

Kooxda Blues oo caawa u safreysa caasimada Faransiiska ayaa maanka ku heysa inay ka aargudato PSG madaama ay kooxda Faransiiska aheyd kooxdii ku reebtay wareegaan 16ka xilli ciyaareedkii hore, weliba iyagoo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay kulankii Stamford Bridge markii casaan la siiyay Zlatan Ibrahimovic.

psg-vs-chelsea-fc-2016-uefa-champions-league-hd-wallpapers-402066MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain waxaa ka maqan Aurier kaasoo ganaax ay kooxda ku soo rogtay ku maqan ka dib markii uu aflagaadeeyay tababare Laurent Blanc inkastoo uu raaligelin buuxda ka bixiyay, waxaa sidoo kale sabab aan la cadeyn kulankaan ku seegaya xiddiga weerarka Lavezzi. Halka xiddiga reer Argentina Pastore uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa isagoo la xanuunsan dhaawac muruqa bowdada ah.

Dhanka kooxda Chelsea waxaa kulankaan dhaawac kaga maqnaanaya daafaca dhexe Zouma kaasoo jilibka si xun uga dhaawacmay, halka John Terry uu isna ku seegayo dhaawac soo gaaray kulankii ay isbuucaan ka badiyeen Newcastle United halka Nemanja Matic uu ganaax kaga maqnaanayo kulanka caawa. Waxaase taam ahaanshihiisa shaki la gelinayaa xiddiga reer Brazil Oscar kaasoo isaga iyo Terry ay shalayto tababar la sameeyeen kooxda inteeda kale.

Marco Verratti ayay tahay inuu caawa isilaaliyo isagoo haddii uu hurdi qaato caawa seegi doona kulanka lugta labaad ee 9ka bisha March ka dhici doona garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea.

SHAXDA MACQUULKA AH:

ParisSaint-Germain:Trapp; Marquinhos, Thiago Silva, David Luiz, Maxwell; Matuidi, Thiago Motta, Verratti; Di María, Ibrahimović, Cavani.

Chelsea:Courtois; Azpilicueta, Ivanović, Cahill, Rahman; Fàbregas, Mikel; Hazard, Willian, Pedro; Costa.

MA OGTAHAY?

  • Kooxda Laurent Blanc ayaa rajeyneysa inay markii afaraad oo isku xigta gaaraan wareega 8da Champions League iyadoo wareegaan ay ku reebtay Barcelona sannadii 2013 iyo xilli ciyaareedkii hore.
  • Kooxda Paris ka dhisan ayaa 11 kulan la ciyaartay kooxaha Ingariiska iyagoo badiyay labo ka mid ah, waxaa laga badiyay afar kulan halka 5 kulan ay barbaro galeen. Laakiin kulamada ay gurigooda kula ciyaareen kooxaha Ingariiska waxaa laga badiyay kaliya hal kulan waxay badiyeen labo kulan waxaana ay barbaro galeen labo kulan kale.
  • Guushii 2004 ee ay ku gaareen Paris ayaa ah guusha kaliya ee ay Chelsea ku gaartay carada dalka Faransiiska todoba jeer oo ay soo booqdeen. Waxaa laga badiyay afar ka mid ah 14 kulan oo guud ahaan ay wajaheen kooxda horyaalka Ligue 1, dhamaan afartaas kulan waxaa looga badiyay gudaha dalka Faransiiska.
  • Kooxda Blues ayaa raadineysa inay gaarto markii afaraad wareega 8da Champions League lix sanno gudaheed, iyo markii 7aad ee 10 sannadood gudaheed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip