Dowladda oo Muqdisho ku soo celisay dhalinyaro tahriibtay

0
Wednesday August 07, 2019 - 12:51:20 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Muqdisho ku soo celisay dhalinyaro tahriibtay

    Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tagay dalka Libya, isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tagay dalka Libya, isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.

Dalka Libya ayaa xilligaan waxaa ka jira dagaalo sokeeye, hayeeshee dhalinyaradaan la soo celiyay ayaa doonayay inay u tahriibaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Dhalinyaradaan oo gaareysa illaa 12 Ruux oo mid haweeney tahay ayaa waxaa soo celintooda gacan ka geystay Xafiiska Arrimaha Qaxootiga xuquuqda Carruurta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada dib loogu soo celiyay dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la soo kulmeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil, Raashin la’aan iyo in uu ku qabsanayo Magafaha Libya oo doonaya lacag farabadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay dad Dhalinyaro u badan, kuwaas oo ku jiray Xabsiyo ku yaalla dalalka Libya, Itoobiya iyo wadamo kale.

Shaqo la,aanta dalka ka jirta ayaa badanaa dhalinyarada ay ka cararaan iyaga oo miciinsada gaarista dalalka Yurub.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip