Madaxweynaha K/Galbeed Oo Madaxda Dalka Kala Hadlay Arrimo Muhiim Ah

0
Wednesday August 07, 2019 - 12:37:37 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha K/Galbeed Oo Madaxda Dalka Kala Hadlay Arrimo Muhiim Ah

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo,kadib markii uu Muqdisho uga qeyb galay Aaska Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdirax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo,kadib markii uu Muqdisho uga qeyb galay Aaska Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow. Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud Airport ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Wasiiro Xildhibaano Siyaasiyiin Saraakiisha Ciidanka iyo Shacabka Reer Baydhabo . Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kulamo kala gedisan oo looga hadlayo Arimaha Ka jira Koonfur Galbeed la qaatay Madaxda ugu Saraysa Dalka, kaasi oo looga hadlay Amniga, Dhaqaalaha, Cafimaadka Dib u dhiska iyo Qodobo kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa qeyb ka ahaa madaxdii uu la kulmay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen,iyagoona ka wada hadlay sidii xaaladaha ka jira KF wax looga bedeli lahaa.

Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali ayaa Sidoo kale Madaxweynaha kulan la Qaatay, kaasi oo ahaa mid badankiisa xooga lagu saarayey Arimaha kajira KGS, sida Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee ka dhan Al-shaabaab loo kordhin lahaa,isla markaana loo furi lahaa Wadooyinka Xiran waxa Sidoo kale Kulanka looga hadlay Howlgalkii u dambeyey Ciidanka xooga Dalka ay ku qabsadeen Degmada Owdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip