Dhageyso:-Jubbaland oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso Odoyaasha qaata Amarka Al-Shabaab

0
Wednesday August 07, 2019 - 12:34:22 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Jubbaland oo shaacisay tallaabo ay ka qaadeyso Odoyaasha qaata Amarka Al-Shabaab

    Iyada oo dhawaan Al-Shabaab ay soo bandhigeen qeybtii u horeysay Odayaasha iyo Ergadii soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka ee iska diiwaan geliyay xarumaha Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay maamulka Jubaland waxaa uu digniin loogu diray Odayaashaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo dhawaan Al-Shabaab ay soo bandhigeen qeybtii u horeysay Odayaasha iyo Ergadii soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka ee iska diiwaan geliyay xarumaha Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay maamulka Jubaland waxaa uu digniin loogu diray Odayaashaas. La-taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadayaan Odayaashaas, isagoo xusay in Odayaashii u tagay Al-Shabaab ay iyagana la mid yihiin.

iydoo kale waxaa uu uga digay Odayaasha ku nool deegaannada Jubbaland inay qaataan Amarada Al-Shabaab, cidii qaadatana aysan ku soo laaban karin deegaanadooda.

Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha ay la kulmi doonaan ciqaab ay kamid yihiin ganaax iyo xabsi mudo Lix bilood ah.

In kabadan 150 Oday dhaqameed oo katirsan Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay iska diiwaan geliyay Xarumaha Al-shabaab ee ku yaalla gobalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Audio Player
 
00:00
00:00
xigasho:radiorisaala.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip