Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

0
Wednesday August 07, 2019 - 12:28:00 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada. Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Nin la sheegay inuu ahaa Farsama-yaqaan sameeya Mobilada. Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha oo la hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa u sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili uu halkaas ku sugnaa.

 
Meydka Marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa,waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay kun darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tegeen goobta falka ka dhacay,kuwaasi oo sameeyay baaritaano kooban oo ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa,hayeeshee kuma guuleysan inay soo qabtaan.

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta CabdallaShisheeye ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan Bastoolado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip