Dowladdo uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan dalka Mareykanka

0
Wednesday August 07, 2019 - 11:49:07 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladdo uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan dalka Mareykanka

    Dowladdaha Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio. Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladdaha Venezuela iyo Uruguay ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Mareykanka, kaddib toogashadi dadka badan lagu dilay ee Sabtidi iyo Axadi ka dhacday gobollada Texas iyo Ohio. Labadani waddan ee ku yaalla Latin America ayaa digniintooda ku sababeeyay,rabshadaha iyo danbiyada naceybka ku salaysan ee kusoo badanaya Mareykanka. War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Uruguay ayaa lagu wargiliyay muwaadiniinta dalkaasi kasoo jeeda ee ku sugan Mareykanka in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeraad ah, sababtoo ah beey tiri wasaaradda, dowladaha hoose ee Mareykanka ma awoodaan in ay joojiyaan rasaasta sida ula kaca ah loogu furo shacabka. Sidoo kal Wasaarradda Arrimaha Dibadda Venezuelan ayaa kula talisay muwaadiniinteeda inay hakiyaan socdaalka ay ku tagaan Mareykanka, sababo la xiriira naceyb iyo cunsuriyad kasoo muuqatay Mareykanka.



Dhawaan dalalka Germany, New Zealand, Canada, Ireland, China iyo Bahamas ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay usoo safraan dalkaan Mareykanka.

VOA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip