SAWIRRO:Shabaab oo soo bandhigay Ergooyin kale oo iska diiwaangeliyay

0
Wednesday August 07, 2019 - 11:39:40 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO:Shabaab oo soo bandhigay Ergooyin kale oo iska diiwaangeliyay

    Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay waxa ay ku soo bandhigeen Ergooyin kale oo iska diiwaangaliyay deeganada Shabaab ay ka taliyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay waxa ay ku soo bandhigeen Ergooyin kale oo iska diiwaangaliyay deeganada Shabaab ay ka taliyaan.

Horay Al Shabaab waxa ay u soo bandhigeen Ergooyinkii isdiiwaangeliyay, kuwaasi oo ka soo jeeday deeganada Hirshabelle iyo Galmudug.

Shabaab Ergooyinkaan kale ay soo bandhigeen ayaa tiradooda waxa ay ku sheegeen 80 Xubnood kuwaasi oo iska soo diiwaangeliyay deeganada kala ah Koonfur Galbeed & Jubbaland.

Odayaasha ayaa loo qabtay tababar socday muddo Shab cisho ah waxaana ugu dambeyn lagu soo bandhigay deegaanka Buulo fulaay ee Gobolka Baay.

Shabaab waxa ay horay 46- cisho ugu qabteen inay isku soo diiwaangeliyaan Odayaasha Dhaqanka & Ergooyinkii ka qayb qaatay doorashadii Xildhibaanada lagu soo doortay.

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip