Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo soo saaray shuruudo ku aadan doorashada (Akhriso)
Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo maalintii shalay la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo oo maalmahan ku sugan Kismaayo ayaa soo saaray shuruud ku saabsan hannaanka doorashada Jubbaland, si ay ugu dhacdo si xor iyo caddaalad ah.
Xubnahan Musharaxiinta Is bedel doonka ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa weli is diiwaan gelin, iyadoo muddo dheeraad ah oo Guddiga doorashada Jubbaland ku daray waqtiga is diiwaan gelinta ay mar kale diideen inay is diiwaan geliyaan.
Qoraal ay Beesha Caalamka u direen ayaa waxay ku dalbadeen in la kala diro Guddiga doorashada, in la magacaa bo Guddi cusub, odayaasha dhaqanka ay soo xulaan Xildhib aanada, isla markaana hal musharax kaliya loo soo xulo Kursiga Xildhibaannimo.
Waxay dalbadeen in Guddi Baarlamaani ah ay maamulaan doorashada Madaxweynaha, isla markaana goobta doorasha da ka dhaceyso ay noqoto goob madax bannaan sida xarunta Qaramada Midoobey ee Kismaayo.
Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in doorashada ay goob joog ka noqoto Beesha Caalamka, Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda.
Waxaa ay sheegeen inay lagama maarmaan ay tahay joogitaanka dowladda Federaalka, si ay goobjoog uga noqoto howlaha doorashada.
Musharaxiinta Is bedel doonka ayaa waxay soo jeediy een in Ciidamada AMISOM ay ilaalo ka noqdaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada, isla markaana ay ilaaliyaan xubn aha Musharaxiinta.
Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo soo saaray shuruudo ku aadan doorashada (Akhriso)
Musharaxiinta is bedel doonka Jubbaland oo maalintii shalay la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo oo maalmahan ku sugan Kismaayo ayaa soo saaray shuruud ku saabsan hannaanka doorashada Jubbaland, si a