Francisco Madeira "Al-Shabaab Waxay Doonayaan Inay Noqdan Awood Siyaasadeed"

0
Wednesday August 07, 2019 - 11:14:30 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Francisco Madeira "Al-Shabaab Waxay Doonayaan Inay Noqdan Awood Siyaasadeed"

    Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo uu kaga hadlay Alshabaab iyo Kaalinta Ciiddanka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi oo uu kaga hadlay Alshabaab iyo Kaalinta Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM. Ambassador Francisco Madeira OO AH Diplomaasi u dhashay dalka Mosambiik waxa uu tilmaamay inay Dagaalamayaasha Alshabaab adeegsadaan Taatikadda Dagaalka Jabhadaynta, isla markaana aysan awoodin inay Ciiddanka AMISOM weji-ka-weji ula dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab doonayaan inay noqdaan Awood Siyaasadeed, iyagoo adeegsanaya Islaamka oo uu xusay inay tahay Diin wanaagsan oo Nabadeed. Dhinaca kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu ka hadlay doorka Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna bogaadiyey waxa uu ugu yeeray Istaraatijiyadooda Dagaal ee La-dagaalanka Alshabaab Waxa kale oo uu sheegay inay Ciiddanka Kenya dhabo muhiim ah u fureen dadka iyo xamuulkooda, oo uu ugala jeeday Furitaanka Waddooyinka isku xira Degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow ee Goballadda Jubbooyinka, una dhow xuduudka Kenya. Ciiddanka Kenya ee Somalia soo galay bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxay khasaarihii ugu darnaa ka soo gaaray Weerarkii cuslaa ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ee sanadkii 2016-kii ku qaadeen Saldhigii ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo lagu dilay boqolaal Askar Kenyan ah. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ilaa haatan ma aysan shaacinin tirada rasmiga ee Ciiddankii looga dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip