Xanuun halis ah oo ka dillaacay dalka Filibiin iyo dowladda oo xaalad degdeg ah soo rogtay

0
Wednesday August 07, 2019 - 11:03:26 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuun halis ah oo ka dillaacay dalka Filibiin iyo dowladda oo xaalad degdeg ah soo rogtay

    Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda ay kusoo rogtay xaalad deg deg ah, kaddib markii uu ka dillaacay xanuunka Dengue. Illaa 622 qof ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen xanuunkan oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddig. Wasiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Filibiin ayaa ku dhawaaqday in dalkeeda ay kusoo rogtay xaalad deg deg ah, kaddib markii uu ka dillaacay xanuunka Dengue. Illaa 622 qof ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen xanuunkan oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddig. Wasiirka caafimaadka Filibiin, Francisco Duque ayaa sheegay, in laga soo billaabo bishii Jannaayo ee sanadkan ilaa bishii Julaay ay dowladdu diiwaangelisay kiisas gaaraya 146,000 qof oo uu ku dhacay cudurka Dengue. Dowladda ayaa tibaaxday in 98% uu sare u kacay xowliga uu ku socdo faafista cudurka marka loo barbar-dhigo sanadkii tagay. Wasiirka ayaa ku macneeyay xaaladda degdegga ah ee ay dalka kusoo rogeen mid u ogolaanaya dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo degdeg ah oo ay kula tacaalaan xanuunkan halista ah. Dhakhaatiirta ayaa sheegtay in cudurka Denga uu leeyahay xumad sarreysa, Sidoo kalana uu qofka ku sababo xanuun ku yimaada kala goys-yada jirka, matag, nabaro ka soo baxa oogada bukaanka, dhibaato dhanka neefta ah, dhiig bax iyo qeybo ka mid ah xubnaha jirka oo shaqadooda gaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip