150 macallin oo loo soo xiray tababar ku saabsan Manhajka cusub ee Waxbarashada dalka

0
Wednesday August 07, 2019 - 10:44:54 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    150 macallin oo loo soo xiray tababar ku saabsan Manhajka cusub ee Waxbarashada dalka

    Tababar ku saabsan manhajka cusub ee waxbarashada dalka oo loo qabanayay macallimiinta wax ka dhiga iskuulada dalka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay ka qeyb galayeen ku dhowaad 150 macallin oo wax ka dhiga iskuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar ku saabsan manhajka cusub ee waxbarashada dalka oo loo qabanayay macallimiinta wax ka dhiga iskuulada dalka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Tababarkan oo ay ka qeyb galayeen ku dhowaad 150 macallin oo wax ka dhiga iskuulada magaalada Muqdisho ayaa hadafkiisu ahaa in macalimiinta lagu tababaro habka ugu wanaagsan ee ay ardayda u gaarsiin karaan manhajka cusub. Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbrashada Dowladda Soomaliya Cabdiraxmaan Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in dhankooda ay ka go'antahay dhaqan gelinta manhajka cusub macna weynna ay u leedahay in ardayda Soomaaliyeed loo dhigo manhaj ka turjumaya Soomaalinnimadooda. Maxamed Xasan Aadan oo ka mid ah mas'uuliyiintii Wasaaradda ee ka shaqeynayay howlaha tababarkan ayaa sheegay in manhajkan cusub uu ku dhisan yahay laba tiir oo kala ah islaamnimo iyo Soomaalinnimo, isla markaana ay rejeynayaan in dalka dhan la gaarsiiyo.


Macallimad Xaliima Xuseen Cali oo ka mid ah macallimiintii ka qayb qaatay tababarkan ayaa sheegtay in manhajkan uu yahay mid u wanaagsan ubadka iyo bulshada Soomaaliyeed isla markaan ay wax badan ka faa’iideen intii ay tababarka qaadanayeen.

Macalimiinta tababarka ka faa’iideystay ayaa lagula dardaarmay in ay manhajka kusii tababaraan dhammaan macallimiinta kale ee wax ka dhiga iskuullada dalka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip