HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH OO AH ARBACO 7-DA AGOOSTO 2019-KA

0
Wednesday August 07, 2019 - 09:44:45 in Wararka by
  • Visits: 1386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH OO AH ARBACO 7-DA AGOOSTO 2019-KA

    DFS OO SOMALILAND UGA MAHADCELISAY SOO DHAWEYNTA ODAYAAL DHAQMEED HARGEYSO GAARAY R/Wasaare kuxigeenka XFS, Md.Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxw eynaha Som

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DFS OO SOMALILAND UGA MAHADCELISAY SOO DHAWEYNTA ODAYAAL DHAQMEED HARGEYSO GAARAY R/Wasaare kuxigeenka XFS, Md.Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa kula kulmay Madaxw eynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hogg aaminayay odayaashii dhaqanka ee l Madax weynaha Somaliland kala soo wareegay 19ka Maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa R/l Wasaare kuxigeenka uga war bixiyay sidii Soomaalinimada, xushmadda iyo qadarinta laheyd ee loo soo dhaweeyay. Md. Mahdi ayaa madaweynaha Somalil and ku ammaanay soo dhaweynta Soomaal inimada leh ee uu ku qaabilay odayaasha Gobalka Banaadir. R/Wasaare kuxigeenka ayaa sidoo kale od yaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacn ta ay ka geysteen i5n mawaadiniinta Sooma aliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan do wrka ballaaran ee dhaqanku ku leeyahay bulshada dhexdeeda. Intii kulanku uu socday ayaa odayaahu waxa ay codsadeen in la soo daayo oo iya na cafis loo fidiyo mawaadiniin kale oo dhall inyaradan ay isku xukun ahaayeen oo ku xir an Puntland iyo xabsiga dhexe ee dalka.


CUDUR DAAR:-

Maamulka Wargeyskani wuxuu ka Cudur- daanayaa cinwaankii shal ay oo aheyd Talaado 6.8.2019- uu ku soo ba xay Sawirkanhoos ku qoran inay ahyed mid qalad ah oo ku timid cilad farsamo , hadd abaiyadoo sida saxsani ay tahay sidan Hoos ku Qoran halkaan ku cad:-

 

HAWEENEY KU SOO XAJINAYSA LACAG AY RUBUC QARNI KAYDSATAY.


Mahadsanidiin ma qaldame waa ilaahye.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/08/Ropert-Mogabe-696x448.jpg


MADAXWEYNIHII HORE ZIMBABWE OO XAALADIISA LIIDATO

Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Simbabwe Ropert Mogabe ay aa lagu soo waram ayaa inay tahay mid liida tay,waxuuna kujiraa isbital kuyaa la Dalka Singapore, halkaasi oo ay dhig tay Dowladda Dalk aasi Zimbabwe.

Hoggaamiyaha talada dal kaasi haye ee Emmerson Mnangagwa ayaa war qor aal ah uu soo saaray ku she egay in madaxweyne Moga be muddo 4 bilood ah ba uu ku jiro isbital kuyaala dalkaasi Singpore, wuxuuna intaasi ku daray in uu wanaagsan yahay uuna jawaabi karo.

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in xanuunka haaya aan weli shaaca aysan ka qaadin dhaqaatiirta,wuxuu ku ammaanay 95 jirkan Mogabe inuu yahay aabihii dhisay qar anka dalkaasi Simbabwe.

Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay inuu u baah an yahay nasiinyo dheeraad ah iyo in la ilaal iyo,Emmerson Mnangagwa madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Zimbabwe ayaa bishii April wuxuu sheegay in uusan dhaqaaqi karin Mogabe sababo laxiriira jiro iyo Da’da oo isku bahaystay.


Hay’adaha caafimaadka dalka Zimbaba we ayaa la sheegayaa in uu gaabis iyo bur bur ku ymid adeegooda caafimaad,inta bada na dadka xanuunka ku soo booda ayaa loo qaada dibadda,sida south Afrika oo ay deris yihiin,balse Ropert Mogabe noloshiisa inta badan waxa uu caafimaadkiisa ku soo baari jiray dalka Singpore.

WEERAR BAANGADO LOO ADEEGSADEY OO KA DHACAY MAGALADA MOMBASA

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/08/Baangado.jpgKooxo Burcad ah ayaa la sheegay inay weerartay Goob ay ku sugnaayeen dad Sha cab ah aadna u mashquul badan taas oo ku taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Weerarka oo loo adeegsaday Mindiyo iyo Baangado ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 2Ruux halka 13 kale ay ku dha awacmeen ,kuwaas oo dhaawacooda la gee yay Isbitaalka weyn ee M/Mombasa.

Taliyaha Booliska ee M/Mombasa Johnst on Ipara ayaa sheegay in kooxdaasi burcad ah oo lagu magacaabo wakali kwanza ay ar gagixyeen dadka ku dhaqan xaafadaha Kwa Bulo, Bamburi Mwisho, Bombolulu iyo Kisim ani. Ciidamada ayaa sidoo kale waxaa ay Xaafada M/Mombasa ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxii ka dambee yay weerarkaas dadka lagu dilay,waxaana si doo kale la sheegay in dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2019/08/Mareykanka-696x391.jpgMAREYKANKA OO DIGNIIN U DIRAY TURKIGA

Dowladda Mareykanka ayaa Shalay ka digtay in weerar kasta oo Turkiga ay ku qaa daan maleeshiyada Kurdi shka ah ee Syria, uu no qon doono "mid aan la aqb ali karin."Waxaan aami nsannahay in weerar hal dhinac oo Turkiga ay qaa daan uu yahay mid a an la ogolaan karin” waxaa sidaas yiri xogh ayaha gaashaan dhigga Mareykanka Mark Esper oo weriyay aasha kula hadlay magaal ada Tokyo oo uu safar ku joogo.

"Waxa aan hadda ka shaqeeneyno ayaa ah inaan ayaga [Turkiga] kala shaqeyno qo rshe wax looga qaban karo walaacooda, wa xaana ku rajo weynahay inaan gaari doonno halkaas….waxana isku dayeynaa inaan ka hortagno inay qaadaan tallaabo hal dhinac ah” ayuu yiri Esper. Hadallada Esper ayaa yimid laba maalmood kadib markii madaxwe ynahaTurkiga Reccep Tayyip Erdogan uu wacad ku maray inuu waqooyiga Syria, gaar ahaan bariga Webiga Furat, ka fulin doono howlgal ka dhan ah kooxda Kurdish ee YPG, ee Mare ykanka uu taageero.

Waxaa hadda socda wadahadallo u dha xeeya saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka iyo dhiggooda Kurdishka, kuw aas oo looga danleeyahay in la abuuro "aag amni” oo laga hirgeliyo Waqoyiga Syria, si kooxda YPG looga fogeeyo xuduudda Turk iga.

DIYAARADO DAGAAL OO SHALAY DUQEEYAY KULLIYAD MILLITERI

Diyaaradaha Dagaalka ee Hoggaamiya ha Dagaalka ee Liibiya, Marshal Khalifa Xaft ar waxay Waaberigii hore ee Shalayto duqe eyeen Kulliyadda Ciiddanka Cirka oo ku taa lla Magaalada Misraata oo ku taalla Galbeed ka caasimadda dalkaasi ee Tripoli.Ilo Milliteri oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUT ERS ayaa xaqiijiyey inay dhacday Duqeynta asi, iyadoo ay dadka Deegaanka sheegeen inay qaraxyo waa weyn laga maqlay guud ahaan magaalladda Misraata.

Dorraad ayey ahayd, markii ay Diyaarad Daroonis oo ay Ciiddanka Khaliifa Xaftar lee yihiin duqeeyeen Xaflad Aroos oo ka soco tay Magaalada Murzuq ee Koonfurta dalkaa si, laguna dilay ugu yaraan 43qof. Wadda nka Liibiya waxaa ku hardamaya Ciiddanka Dowladda ay QM taageerto oo ku xooggan Galbeedka dalkaasi oo ay ku jirto Caasimad da Tripoli, halka Ciiddanka u daacadda ah Khalifa Xaftar ku xooggan yihiin Bariga dalk aasi oo ay ku jirto magaalladda Tobruk.

MAXKAMADDA GOBOLKA BANAADIR OO XUKUN KU RIDDAY NIN U DHASHAY DALKA BRITAIN

https://www.hiiraan.com/images/gallery/2019/aug/201986637006843500357276vlcsnap-2019-08-06-06h18m20s866.png Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Shalay soo gabagabeysay kiiska loo haystay nin u dhashay dalka Britain,kaddib markii la gu soo eedeeyey qalqal gelinta amniga gar oonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho.

Andrew Bra in Irlam oo 48 jir ah ay aa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34aad ee xeer ka nabad gelya da Qarank a,wax aana in mud do ah ku jiray gacanta hay’ad aha ammaan ka dalka oo baaritaano ku hay ay kiiskiisa.

Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lac ageed oo dhan 7,000 oo lacagta dollarka Mareykanka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaal iya ee qaabilsan garoonka Aaadan cadde ay aa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnad ood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna ninka oo sidoo dhalasho kale ka heystay dalka Faransiiska uu horey ula sha qeyn jiray shirkadda SKA oo maamulaysay

garoonka Aadan Cadde.

MAREYKANKA OO WAR KASOO SAARAY DOORA SHOOYINKA JUBBALAND IYO TAN HEERKA QARAN

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/KAALIYAHA-X.A.D.-MARAYKANKA-IYO-SAFIIRKA-MARAYKANKA-U-JOOGA-SOMALIA-750x430.jpg Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenad da Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maray kan ka, Moroan Or agus, laguna soo da aba cay Shabakad da Wararka ee Waa xda Arrimaha Dibed da Maraykanka ee www.state.gov ayaa waxaa lagu faahfaahiy ey Socdaalka uu Kaaliyaha Xoghaha Arrim aha Dibedda ee dalkaasi ugu qaabilsan dhi naca Siyaasadda, David Hale Dorraad ku yi mid MMuqdisho iyo Kulamadii uu la yeeshay Madaxda DFS iyo kuwa QM.

Warbixinta ka soo baxday Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ay aa waxa uu u qornaa sidatan:

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siya asadda, David Hale waxa uu Ra’isulwasaa raha Somaliya, Xasan Cali Kheyre kula kul may M/Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaq iijiyey sida ay Dowladda Maraykanka uga go ’an tahay inay Somaliya ka taageeraan Isbb edelka Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaala ha iyo dadaallada Xasilinta ee Somaliya.

R/wasaare Kheyre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeey ey ee dhinacyadda Siyassadda iyo Nabadda Somaliya iyo dadaalka Shirarka ee Xaallada ha Deyn Cafinta Somaliya, si loo bilaabo inin Somaliya loo oggolaado inay Amaah ka qaa dan karaan Hay’addaha Maaliyadda ee Caa lamka.

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasa dda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay Rajada Dowladda Maraykanka ee ku aadan inay Doorasho lagu kalsoon karo oo Nabad leh ka dhici doonta Dowladgobaleedka Jub baland dabayaaqadda bishan August.

Waxa kale oo dhiirigeliyey Horumarka Ge eddisocodka ee horseedi karta inay Doora sho Hal qof iyo Hal Cod (onepersonand one vote ) ee Doorashadda Qaranka ee Somali ya ka dhici doonta bartamaha sannadka soo socda ee 2020ka.

Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Xaf iiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus wax aa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Kheyre isku raaceen qiimaha Hawlgal lada Ammaanka ee lagula wareegayo Dee gaanada ay Alshabaab maamulaan iyo Udi yaargarowga Ciiddanka Somaliya si ay Ciid danka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha Nabadda iyo Deganaanshaha guud ahaan Somalia.

DIPLOMAASI SARE OO MARAYKAN OO SOCD AAL KU MARAYA DALAL AY SOMALIYA KA MID TAHAY

SIYAASIKaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa bishan 5dii u bilaabantay soc daal uu ku marayo dalal ka Somaliya, Sudan iyo Kenya, si uu Madaxda dalalkaasi ugala xaajoo do xoojinta Xiriirka Mar aykanka,Ammaanka, Ho rumarka iyo Iskaashiga Milliteriga.

Kaaliyaha waxa uu Dorraad booqasho ku yimid M/Muqdisho, isagoo Kulan la qaatay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre, kana wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga Labada Waddan, Ladagaalanka Alshabaab iyo Haw lgalka AFRICOM iyo Kaalinta AMISOM ee Nabadilaalinta dalka.

Qoraal la soo dhigay Barta Waaxda Arri maha Dibedda Mraaykanka ayaa lagu muuji yey inuu Kaaliyaha kulamo la yeeshay Mas’ uuliyiin ka tirsan DFS, iyo Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ja mes Swan oo ay ka wada hadleen Ajenday aasha la xiriira Hagaajinta Siyaasadda, Amni ga iyo Dhaqaalaha ee Somalia

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arr imaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siy aasadda, David Hale waxa la filayaa inuu booqasho ku tago Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si uu berrito uga qeyb galo Mun aasbadda lagu xusayo Qarixii ay Ururka Alq aacida la beegsadeen dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Nairobi bishii Augu st 7dii ee sannadkii 1998dii, oo ku began muddo haatan laga joogo 21sanno.

Waxa kale oo la kulmi doona Madaxda Sa re ee dalka Kenya oo ay ka wada hadli doo naa Xiriirka Labada Dal, Iskaashiga dhinac yada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Wafdiga waxaa la filayaa in ay berrito u dhoofaan dalka Suudaan, si uu Madaxda Golaha Milliteriga ee haya talada dalkaasi ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaarad ka kula kulmo magaalladda Khartoum.

CIIDAMADA DOWLADDA OO LA WAREEGAY DEGMADA AWDHEEGLE

Wararka naga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee G/Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Shalay halkaas ay la wareegeen Ciidamada dowladda Feder aalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee M/Muqdisho ayaa u sheegay in Ci idamada dowladda haatan ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Degmada Aw dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in dagaalamayaasha Alshabaab ay gebi ah aan isaga baxeen barqanimadii Shalay deg mada Awdheegle,halkaas oo in muddo ah ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin gudaha degmada as,hayeeshee ay isaga baxeen Alshabaab kii ku sugnaa.

WEERAR MAR KALE LAGU QAADAY SALDHIG AY LEEYIHIIN CIIDANKA SOMALILAND

Wararka naga soo gaaray Magaaladada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay aa waxaa ay sheegayaan in halkaas Habe enhore uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tiran maamulka Somaliland iyo rag hubeysan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu yimid ka dib markii ragga hubeysnaa ay weerar ku soo qaadeen Saldhig M/Laascaanood ay ku lee yihiin in Ciidamada Booliska Somaliland, wa xaana intaasi kadib digay dagaal la isku ade egsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Laascaanood ayaa sheegay in Habeenhore ay malayeen jugta rasaas ay isdhaafsanayeen Ciidamada Som aliland iyo rag hubeysan oo weli la aqoosan waxay ahaayeen,hayeeshee markii dambe uu dagaalka istaagay.

Weli lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkii Habeenhore ka dhacay M/Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Som aliland oo ay uga hadlayaan falkaas.

Waa habeenkii 2aad oo sidan oo kale wee rar loogu soo qaado Saldhiga Ciidanka Bool iska ee maamulka Somaliland ku leeyihiin halkaas,waxaana wararka qaar ay sheega yaan in weeraradan ay ka dambeeyaan jabh adda uu hogaaminayo Col.Faysal Falaalug, kuwaasi oo ka horjeeda Somaliland.

RA’IISUL WASAARAHA FALASTIIN OO U HANJABAY ISRAEL

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/RW-FALASTIIN-750x430.jpg Ra’isulwasaare Maxamed Shatayeh wa xa uu ku goodiyey inuu ballaarin doono Ma amulka Falastiin iyo gacankuhaynta Amma anka dhulalka Daanta Galbeed. Waxa uu sheegay inay Tallaabadaasi kaga soo horjee daan Xadgudubkii ay Israel dhawaan ku sa maysay Heshiiskii labada dhinac ee maam ulista Xuduudaha lagu murunsan yahay.

"Israel ma xushmeyso heshiis kasta oo ay saxiixeen ee Xuduudaha dhulalka lahay sto ee Falastiin” ayuu yiri R/wasaaraha Maa mulka Falastiin, oo intaasi ku daray inay wadaxaaj ood ka geli doonaan dhulal ka ay Dowladda Falastiin le edahay, oo ay ku jirto Bar iga M/QuddustaLahaysto.

Hadalkiisa ayaa waxa uu jawaab celin u a haa Tallabadii ay ciiddanka Israel isbuucii ho re ku burburiyeen dhismooyin ay dad Reer Falastiin lahayeen oo ku yaalla Deegaanka Waadi Humus ee Bariga Quddus oo hoos ta ga Maamulka Dolwadda Falastiin ee M Ram alah.QM, M/Europe iyo dalal ay Sacuudifa ka mid tahay ayaa si kulul u cambaareeyey Tallaabadi iay Askarta Israel ku burburiyeen dhismayaasha ay dadka Reer Falastiin lah aayeen. Israel waxay ku qabsatay Daanta Galb eed, Marinka Qasa iyo Bariga M/ Qud dus dagalkii ay Carabta la galeen san nadkii 1967kii, iyadoo Heshiiskii Nabadda ee caa simadda dalka Norway ee Oslo lagu kala sa xiixday sannadkii 1993kii dhabaha u xaara yo in Dowlad Falastiini ah laga dhiso Deega anada ay Isreal qabsatay 52 sanno ka hor

CIIDAMO UGANDA OO LOO TABABARAYO SI ALSHABAAB AY KULA DAGAALAMAAN BADDA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/British-troops-train-Ugandan3.jpg Tababarayaal Milliteri oo ka socda dalka Britain ayaa waxay Ciiddanka Uganda u tab abarayaan sida looga dul dagaalamo Doony aha, iyadoo Ciiddamadaa si loo diyaarinayo inay ka qeyb galaan Ladagaalan ka Alshabaab.

8 Khabiir Milliteri oo ka so cda Ciiddanka Badda ee Boqortooyadda Britain ay aa waxay Ciiddankaasi tababaro ku siinaya an in ka badan hal bil Xeebta Harada Lake Victoria ee magaalladda Entebbe ee dalka Uganda, maadaama uusan dalkaasi lahayn Bad.

Tababarkaasi oo Ciiddanka Uganda lala wadaago Khibradaha Dagaalka, qaabka loo isticmaalo Doonyaha, Hawlgalladda Ilaalad da Badda, ka shaqeynta Baraha lagu baaro Gaadiidka iyo sida looga hortago Doonyaha laga shakiyo.

Ciiddanka Uganda ee loo tababarayo Xirfadaha Ciiddanka Badda waxaa la filayaa in loo soo daadgureeyo Somalia, si ay u ila aliyaan Badda ku hareeraysan Dekedda we yn ee magaalladda Muqdisho. Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London waxa uu Dorraad Warbixin dheer ka qoray inay 17 As kar British oo qeyb ka ah Kooxda Khibradda leh ee Ciiddanka Dhulka ay Tababarkaasi di iradda ku saarayaan Casharadda dhanka Si rdoonka iyo sida loo difaaco Saldhigyadda Hawlgallada ee Aagga Hore ee Dagaalka.

Ciiddanka Uganda ee loo tababarayo Ha wlgalka AMISOM waxay markii hore Tabab arkooda Khaaska ah ku soo qaateen Xero Milliteri oo ku taalla Deegaanka Singo ee Ba rtamaha dalkaasi, halkaasi oo ay in ka bad an hal bil ku soo Tababarteen.

Mid ka mid ah Tababarayaasha Ciiddanka Badda ee Britain oo la hadlay Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay marka ay Ciiddan ka tagaan Somalia, waxay Fariisin ka dhigan doonaan Badda iyo inay suurtogal tahay inay dhulka u soo degaan iyo inay ka ha wlgalaan Baraha lagu baaro Gaadiidka.

Tababarka Kooban ee Khubrada Britain siinayaan Ciiddanka Uganda waxaa isku soo duwday Kooxda British ee Taageeridaa Nab adda Afrika ee BPSTA (the British Peace Support Team (BPST) Africa, oo ah koox ka kooban 26 qof oo isugu jira Ciiddan iyo dad rayid ah oo Fariisin Joogto ah ku leh dalalka Kenya, Ethiopia iyo Botswana.

Dhinaca kale, Tababarka ay Khubrada UK siinayaan Ciiddanka Uganda waxaa qe yb ka ah Badbaadinta Aadanaha, Arrimaha Jinsiga, Lamacaamilka Dhibanayaasha la ta hriibiyo, Addoonsiga iyo Tacadiyadda kale.

Si kastaba ha ahaatee, Uganda waxaa Somaliya ka joogta ilaa 5,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee tiradooda guud dhan tahay20,000 oo Askari.

QEYLODHAAN KA SOO YEERTAY KALLUUM AYSTO SHISHEEYE OO KU XAYIRAN XEEBAHA SOOMAALIYA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/KALLUUMEYSATO-THAILAND-750x430.jpg Xaalladda ay ku sugan yihiin Koox Kall uumeysto u dhalatay dalka Thailand oo la so cota Dooni Kalluumaysi oo ku sugan meel ka baxsan Xeebaha Som aliya ayaa wa xay abuurtay Da reen, kadib, mar kii ay Qoysask ooda ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la dar dar geliyo sidii Wiilashooda dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo. Dareenka kalluumeysatadaasi ayaa sare u kacday, ka dib ,markii mid ka mid ah iyaga uu Wicitaan Muuqala (A Video Call) kula xiriiray mid ka mid ah saaxiibadiisa oo ku nool Thailand, u na sheegay inay ku dul xayiran yihiin Doon ida "Waddani 1”, isla markaana ay gabaabsi ka tahay cuntada iyo biyaha la cabo.

Kalluumeysatada u dhalatay Thailand waxay sheegeen in hal mar oo keliya la siiy ey mushaarkooda muddo 8dii bilood oo ay u shaqeynayeen Shirkadda leh Doonida Wa ddani 1, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Shaqaalahaasi oo la sheegay inay Qandar aas 2 sanno ah la galeen Muwaadiniin u ka la dhalatay Iiraan iyo Thailand bishii October ee sannadkii hore.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/QARAX-KABUL.jpg Balse, markii ay dhowr bilood ka shaqey nayeen BaddaIiraan ayaa waxaa Doonidii ay la socdeen iibsaday Muwaadin Soomaali, iyagoo u soo jiheystay Badda Somalia o o ay ka hawl bilaabeen. Cadaadisyo ka kala yi mid Dhowr Hay’addo Dowladeedayaa wa xay wararku sheegayaan inay Shirkadda dib u bilowday inay Shaqaalaha Doonida u gee yaan cunto iyo biyo.Waxaa la sheegay inay socdaan dadaalo lagu diyaarinayo sidii ay Kalluumeysatada dib loogu celin lahaa dalko oda hooyo.Nithiwat Thiranantakul oo ah Milkiile u dhashay Thailand oo haatan door ka Lataliye u ah Milkiilaha cusub ee Soom aaliga ayaa sheegay inay arrimo farsamo ku dhaceen inay Kalluumeysatadaasi ka cow daan inuu ku yaraaday Raashinka iyo Biyaha.

Kalluumeystadaasi ayaa la hadalhayaa in ay dib ugu laaban doonaan dalkooda hooyo, balse, Maamulayaasha Thailand ayaa la raj eynayaa inay xaqiijiyaan inaysan weli dham aan shaqooyinkooda, iyo in lagu baraarug sanaado baahida loo qabo in iyaga la soo badbaadiyo.Dhinaca kale, Kalluumeysato u dhalatay dalkaasi ayaa iyagana shaqaale ka ah doonyo kale oo ay ku jirto Doonida Wa ddani 2 oo hal shirkad wada leh labada do oni ee Waddani 1 iyo Waddani 2.Kalluu mey stada Thailand ee ka shaqeysta Badda Shi sheeyaha waxay qaarkooda ka shaqeeyaan meelaha khatarta iyo qeybaha aanu shar cigu ka jirin ee Caalamka.

WAKIILKA IGAD IYO XILDHIBAANADA DFS EE LAGA SOO DOORTAY JUBBALAND OO KULAN YEESHAY

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo M/Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jub baland u jooga si ay ugu kuur galaan habs ami u socdka doorashooyinka Jubbaland ay aa Shalay la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo deegaan doora shadoodu ay tahay Jubbaland.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan ka dhagaystay aragti dooda la xiriira sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo dhamaan dadka ree Jubbaland ay ku qanac san yihiin iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka u dagsan Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku qa nacsan yihiin sida ilaa hada howlahu ay u socdaan isla markana gudiga madaxa ban aan ee xuduudaha iyo Doorashooyinka Jub baland laga sugayo in si habsami leh ay doorashooyinku ku dhacaan.

Waxaa xildhibaanadu ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin sida indho la’aanta ah ee Dowlada Federaalku iskugu dayayso in ay fara galiso hanaanka doorashooyinka Jub baland taas oo wixii ka dhasha ay masuuliya deeda qaadayso Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

M/Kismaayo ee Caasimada KMG u ah dow lad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doora shada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo mi da Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

JUBBALAAN OO AMMARRO DUL DHIGTAY ODAYAASHA DHAQANKA EE LA MACAA MIMILA ALSHABAAB

Shirka amniga ee maamul goboleedka Jubbalaan ayaa Shalay laga soo saaray qod obo kala duwan oo la xa riira amaanka guud ee deeganada Jubbalaan xilliga doorashada.

Janaraal Cabdi Mahad la taliyaha dhinaca amiga ee hoggaamiya Jubbalaan ayaa shirka ka dib warbaahinta u sharraxay qodobada ka soo baxay shirka

La taliyaha ayaa sheegay in la isku raa cay in dib loo billaabo shirkii billaha ahaa ee amniga looga hadli jiray ee u dheexeyay AMISOM iyo hay’adaha ammaanka Jubbal aan.Shirka ayuu sheegay in lagu soo hadal qaaday ballanqaadkii AMISOM eek u aadd anaa in aanay wax faragelin ah ku yeelana ynin howlaha doorashada ee dhawaan ka qabsoomaya maamulkaas. Cabadimahad waxa kale oo uu warbaahinta u sheegay in la magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Jubbala an kuwaas oo sugidda amniga doorashooyi nka si toos ah kala shaqeyn doona masuul iyiinta AMISOM ee Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayuu sheegay in ay u qeysanaan doonaan kuwo ka shaqeeya amniga gudaha iyo kuwa ilaaliya fariisimaha ciidamada ee guud ahaan Jubbalaan.La tali yaha ayaa odayaasha dhaqanka,salaadiinta iyo waxgaradka Jubbalaan uga digay in wax xariir ah ay la yeeshaan amaba u hoggaan samaan amarrada Shabaab . Maamulka ay aa odayaasha dhaqanka ku wargeliyay in tal laabo sharci ah ay ka qaadi doonaan oday dhaqameedkii u dhaga nuglaan waayo dig niinta maamulka tallaabooyinkaas ayaa isu gu jira xabsi, kala noqosho kalsooni 7ganax

TALIYE KA TIRSANAA BOLISKA FEDERALKA ETHIOPIA OO LAGU DILAY ADDIS ABEBA

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/Federal-Police-headquarter-Addis-Ababa.jpgLabo Sarkaal Bolis oo uu ku jiray Taliye ayaa la soo weriyey in lagu dilay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Tirokoobka ama Istaatistikada Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba.

Toogashadaasi oo dhacday duhurnimadii Dorraad weli kama aysan hadlin Dowladda Ethiopia, balse, Ilowareedyo dhanka Baraha Bulshadda ayaa sheegay inuu Ciiddankaasi soo kala dhex galay muran aan la sheegin waxa uu ku salaysnaa.

Mid ka mid ah Ciiddanka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay saaxiibadiisa oo uu ku jiray Taliyihiisa.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in la xiray, kaasi oo ilaalo ka hayey Albaabka weyn ee laga soo galo Xarunta uu Waardiyaha ka ahaa.

Saxafi lagu magacaabo Dawit Endashaw oo u shaqeeya Shabakadda Wararka ee The Ethiopian Reporter waxa uu boggiisa Khaaska ee Facebookga ku soo qoray in Taliska Boliska Federalka iyo Goobjooge sheegeen in Sarkaal ka tirsan Boliska Federalka iyo Taliyihiisa uu toogasho ku dilay Askari abaarihii 12kii Duhurnimo ee Dorraad oo Isniin ahayd.

Taliyaha la dilay ayaa la sheegay inuu Askariga u sheegay in loo bedelo Bar kale, taasi oo uu Askarigii dood ka keenay, isla markaana uu dilay Taliyihii iyo Sarkaalkii kale ee la socday.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Dowladda Ethiopia ma aysan soo werinin toogashadda lagu dilay Taliye iyo Sarkaal kale oo ka wada tirsanaa Boliska Federalka ee dalkaasi.

ARDAY U FARIISATAY IMTIXAANKA DEEQAHA WAXBARASHO EE HORMUUD

Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilowday imtixaanka qabuulka ah ee looga gudbayo Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship) taasoo ay dhawaan ku dhawaaqday Shirkadda.

https://www.hiiraan.com/images/gallery/2019/aug/201986637006900002994347WhatsApp%20Image%202019-08-06%20at%2006.44.19%20(5).jpegImtixaanka ayaa waxaa Shalay u fariistay ku dhawaad 300 oo arday kuwaas oo diyaar u ah inay aqoontooda ugu soo gudbaan Deeqaha Waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship).

Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30ka Arday ee ugu sarreysa, kuwaas oo nasiib u yeelan doona in ay helaan deeqaha Waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Hormud Foundation ayaa sheegtay inay imtixaanka sixi doonaan guddi ka madax banaan Maamulka Hey’adda Hormuud Foundation.

30ka arday ee imtixaanka ka soo gudbo ayaa kala dooran doono Jaamacadaha ugu sareeyo dalka midda ay rabaan, sidoo kalana waxaa ay xulan doonaan kuliyadaha ay rabaan.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa furay imtixaanka Shalay ay ardayda u fadhiisteen, wuxuuna socon doonaa muddo 2 maalmood ah.

Ardayda ka qeyb galeysa imtixaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyey fursadda ay siisay Shirkadda Isgaarssiinta Hormuud oo ay ku tilmaameen in ay mar kasta ka qeyb qaadato horumarka qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Maamulka Hormuud Telecom ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay 120 Arday sanad kasta ka bixin doonaan Lacagta Jaamacadda, iyadoo Ardaydaasina loo qaadan doona qeyb qeyb.

Ardeydan ayaa noqonaya dafcadii ugu horreysay ee ka faa’iideysan doonta deeqdaha wax barasho ee Hormuud Telecom.

HAB AY DF SI FUDUD UGU OGAAN KARTO SHABAABKA KU DHEX JIRA OO LASOO BANDHIGAY

POLYGRPHXoghayihii hore ee joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdisalaan Salwe ayaa soo jeediyey hab casri ah oo ay Dowladda Soomaaliya ku ogaan karto shakhsiyaadka Dowladda ka tirsan ee xiriirka la leh AlShabaab.

Salwe ayaa taladan soo jeediyey isaga oo tixraacaya in ay meel sare gaartay cabsida ku aadan in xubno ka tirsan Dowladda ay AlShabaab u fududeeyaan weerarada ay ka geystaan Soomaaliya.

Mas’uulkaan ayaa ugu horreyn soo jeediyey in baaritaan lagu sameeyo Sarakiishada Amniga iyo mas’uulyiinta kale inay xiriir la leeyihiin ururka AlShabaab iyadoo loo marayo hab casri ah.

Salwe ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xiriir deg deg ah la sameyso Mareykanka iyo Dowladaha kale ee reer Galbeedka si looga caawiyo baaritaankaas.

Wuxuu sheegay in baaritaanka noocaan oo kale ah loogu talagalay in loo adeegsado Aaladda beenta kashifto ee loo yaqaan Polygraph, taasi oo sheegeysa qofka marka uu been ka sheegayo su’aalaga la weydiinayo.

Polygraph ayaa waxaa aad u adeegsada hay’ada dowladda Mareykanka, gaar ahaan kuwa amniga iyo sirdoonka

Aaladaas ayaa soo saarto inuu qofka been sheegayo iyo in kale marka lagu xiro oo baaritaan lagu marsiiyo dadka looga shakisan yahay kiisaska AlShabaanimo.

Salwe ayaa farriintaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan

"Dowladda Soomaaliya haddii ay dhab ka tahay shakiga in argagixisadu ku dhex jirto xafiisyada dowladda ha waydiisato Maraykanka ama saaxiibada kale ee Galbeedka in laga caawiyo sidii polygraph test (kashifaadda beenta) loo marsiin lahaa dhammaan saraakiisha amniga…”.

Tallada uu soo jeediyey Salwe ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha Bulshada, waxayna dadka intooda badan ku tilmaameen inay tahay aalad loo baahan yahay marka la fiiriyo xaaladda uu dalka marayoiyo shakiga ka dhashay qaraxii laga fuliyey Xarunta Gobolka Banaadir ee lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda Degmooyinka.

Aaladdaan ayaa Dowladda Soomaaliya ka caawin karto inay iska dhex saarto xubnaha xiriirka la leh AlShabaab maadaama uusan dalka laheyn sirdoonka awood u leh inuu xubnahaas soo ogaado.

Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir kadib ayaa waxaa batay shakiga ku aadan inay jiraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo AlShabaab u fududeeyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

DAD KU GEERIYOODAY QARAX KA DHACAY AFGANISTAN

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay, 7 kalena wey ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday gaari oo Shalay ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Nasraat Raxiimi ayaa sheegay in qaraxaasi oo ka dhacay Deegaanka Khayr Khaana lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciiddanka Ladagaalanka Mukhaadaraadka.

2 qof ayaa la sheegay inay isla goobta ku geeriyootay, halka 7kalena ku dhaawacmeen, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi.

Dhinaca kale, ugu yaraan 4 qarax ayaa waxay ruxeen magaalladda Kabul 10kii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo ay 30qof ku geeriyootay, tiro kalena ku dhaawacmeen

NINKII DUURKA GALAY ISAGOO 20 JIR AH IYO SABABTII UU DUNIDA UGA SII JEESTAY

Waxaa jira dad badan oo aan jecleyn inay kali noqdaan. Sababtoo ah waxay diidayaan inay cidlo dareemaan. Balse dadka qaarkood, kali ahaanshaha iyo cidlada ayey doorbidaan. Wariyaha BBCda ee lagu magacaabo Shabnam Grewal ayaa lasoo sheekeysatay nin adduunka kasii jeestay oo ku sugan meel keyn ah, waxayna wax kasoo ogaatay sababta uu ninkaas Mareykanka ah u qaatay go'aanka uu uga tanaasulay nolosha caadiga ah ee dunida, isagoo waliba tallaabadaas qaaday xilli uu aad u da' yaraa.

Christopher KnightSanadkii 1986kii, Christopher Knight , oo 20 sano jir ahaa ayaa u jiheystay dhinaca keymaha ku yaalla miyiga gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Wuxuu meel cidlo ah uga dhaqaaqay gaarigii uu ku safrayay, isagoo ka qaatay xoogaa cunto ah iyo qalabka kale ee aasaasiga ah.

Ka dib wuxuu lug ku aaday keyntii u muuqatay. Ninkan dib uma uusan soo laabanin muddo 27 sano ah.

Markii uu in muddo ah ku dhex lunsanaa duurka, Knight wuxuu ugu dambeyn helay meel markii dambe u noqotay hoygiisa.

Waa goob yar oo uu caws ku yaallo, isla markaana nadiif ah.

Meeshan waxaa ku hareereysan haro lagu magacaabo North Pond.

Wuxuu teendho yar ka sameystay geedaha dhexdooda, wuuna dagay. Waa meel gabi ahaantiisba qarisay, inakstoo ay masaafe yar 'oo loo socon karo' u jirto mid ka mkd ah boqollaalka goobood ee hoy ahaanta loo tago xilliga xagaaga.

Halkan waa xerada uu dagan yahay Knight ee u dhow harada North Pond

Knight si uu u noolaado wuxuu alaab kasoo xadi jiray goobaha hoy ahaanta loo tago ee agagaarkiisa ka buuxay. Laakiin kaliya wuxuu soo qaadan jiray waxyaabaha uu u baahan yahay sida: raashinka, gaaska cuntada lagu karsado, dharka, kabaha, baratiyaal uu ku isticmaalo tooshashkiisa iyo buugaag badan.

Wuxuu isku dayi jiray inuu yareeyo khasaaraha uu sababi karo marka uu wax xadayo. Laakiin tirada inta jeer ee uu wax xaday waxay ka badan tahay 1,000 jeer, sanadihii uu halkaas joogay, wuxuuna marar badan ka careysiiyay dadka iska leh xarumaha hoy ahaanta looga kireeyo dadka soo xagaa baxa. Ugu dambeyn booliska ayaa dabin u dhigay, waxayna gacanta ku dhigeen isagoo wata alaab uu xaday.

Nin qoraa ah oo lagu magacaabo Mike Finkel ayaa xabsiga ku booqday Knight, xilli uu qorayay buug uu ku magacaabay, 'Ninka aan la aqoonin ee duurka ku jira'.

Markii uu u tagay wuxuu weydiiyay su'aasha la iska wada garan karo ee ah 'waa maxay sababta aad sidan u sameysay?.

Wuxuu weydiiyay waxa ku kallifay inuu isaka sii jeesto dunida, oo uu kaligiis meel cidlo ah ku noolaado.

Chris Knight wuxuu sheegay inuu ku qanci waayay nolosha caadiga ah ee ay dadka kale isla joogaan ama isla hadlaan.

Gabadha wariyaha ah ee sheekadan sameysay ayaa sheegtay in markii hore ay fileysay arrin khaas ah oo ninkan ku khasabtay inuu go'aankaas qaato.

Waxay weydiisay Su'aalaha kala ah: Ma dambi ayaad gashay? Ma waxaa jiray wax ceeb ah oo aad ka carartay? Ma arrin kale oo khaas ah ayaa ku heysatay?

Laakiin Mr Knight wuxuu ku adkeystay in waxyaabahaasoo dhan aysan jirin.

Wuxuu sheegay in naftiisa uun ay ku qanacday inuu kaligiis meel ku noolaado, isagoo aan muddo ku dhawaad 30 sano ah la hadlin qof bani'aadan ah.

Inkastoo ay jirtay mar uu hadda kahor erayga "Hi"(Haye) ku yiri nin fuur fuulayay oo kusoo dul dhacay.

Iyadoo cimilada qabowga gobolka Maine ee xilliga guga ay aad u xuntahay, mararka qaarna uu heerka qabowga gaaro 20C, Knight wuxuu sheegay in waligiis uusan shidanin dab, maadaama uu diidayay in iftiinka ama qiiqa dabka ay dad kusoo arkaan.

Finkel oo ah qoraaga buugga ka sameeyay ninkan ayaa sheegay in sheekadiisu ay tahay mid mucjiso leh.

"Haddii aad hal habeen u baxdo duurka Gobolka Maine, xilli gu' ah, oo aad teendho ka sameysato meel bannaan, wax dab ahna aadan shidanin, anigu aad baan kuula yaabi lahaa. haddii aad sidaas sameyso muddo hal isbuuc ah, waxay ila noqon lahayd arrin aan aad ula dhacay, balse haddii aay muddo bil ah sii waddo maba aamini lahayn. laakiin ninkan wuxuu sidaas sameynayay 27 gu' oo isku xigta", ayuu yiri Finkel

Knight wuxuu u sheegay Finkel inuu habeenkii seexan jiray fiidkii hore, abaare 7pm, uuna soo kici jiray 3am, oo ah xilliga ugu qabow habeenka, isla markaana uu meelaha socsocon jiray ilaa uu waaga ka baryo,Qaar kamid ah alaabtii laga soo qaaday xerada Knight

Booliska ayaa markii ay ninkan qabteen waxay dib usoo celiyeen qalabkii uu xaday, ee yaallay xeradiisa.

MUNAASABAD SAGOOTIN AH OO LOO SAMEEYAY U QEYBSANAHA CIIDANKA TURKIGA EE SOMALIYA

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxiggeenka XDS Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Safiirka Kuxiggeenka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa Shalay ka qeyb galay Munasabadaan oo lagu sagootinayey u Qeybsanaha Ciidanka Milaratiga Turkiga ee Soomaaliya.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/08/vlcsnap-2019-08-06-04h58m01s024-750x430.jpgU Qeybsanaha Ciidanka Xoogga Turkiga ee Soomaaliya oo Muddo Xileedkiisa shaqo uu dhammaaday ayaa sheegay in Soomaaliya muddadii uu joogay ay aad ula shaqeeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, waxaana uu uga mahad celiyey wadashaqeyntii dhex martay intii dalka uu joogay.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliye kuxiggeenka XDS Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa uga mahadceliyey u Qeybsanaha Ciidanka Xoogga Turkiga ee Soomaaliya wadashaqeyntii uu lalahaa Taliska XDS, ayna ku faraxsan yahay in Shalay ay ku saggootiyaan.

DOWLADDA SOMALIA OO LIBYA KASOO CELISAY DHALINYARO TAHRIIBTAY

Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tegay dalka Libya, isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.

Dalka Libya ayaa xilligaan waxaa ka jira dagaalo sokeeye,hayeeshee dhalinyaardaan la soo celiyay ayaa doonayay inay u tahriibaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Dhalinyaradaan oo gaareysa ilaa 12 Ruux oo mid haweeney tahay ayaa waxaa soo celintooda Gacan ka geystay Xafiiska Arrimaha Qaxootiga xuquuqda Caruurta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada dib loogu soo celiyay dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la soo kulmeen dhibaayin ay ka mid yihiin jirdil, Raashin la’aan iyo in uu ku qabsanayo Magafaha Libya oo doonaya lacag farabadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ugu soo celisay dad Dhalinyaro u badan,kuwaas oo ku jiray Xabsiyo ku yaalla dalalka Libya, Itoobiya iyo wadamo kale.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip