Taliye Ka Tirsanaa Boliska Federalka Ethiopia Oo Lagu Dilay Addis Abeba

0
Tuesday August 06, 2019 - 22:20:17 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Ka Tirsanaa Boliska Federalka Ethiopia Oo Lagu Dilay Addis Abeba

    Labo Sarkaal Bolis oo uu ku jiray Taliye ayaa la soo weriyey in lagu dilay Xarunta Dhexe ee Hay'adda Tiro-koobka ama Istaatistikada Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba. Toogashadaasi oo dhacday duhurnimadii shalay weli kama aysan hadlin Dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo Sarkaal Bolis oo uu ku jiray Taliye ayaa la soo weriyey in lagu dilay Xarunta Dhexe ee Hay'adda Tiro-koobka ama Istaatistikada Ethiopia ee magaalladda Addis Abeba. Toogashadaasi oo dhacday duhurnimadii shalay weli kama aysan hadlin Dowladda Ethiopia, balse, Ilo-wareedyo dhanka Baraha Bulshadda ayaa sheegay inuu Ciiddankaasi soo kala dhex galay muran aan la sheegin waxa uu ku salaysnaa. Mid ka mid ah Ciiddanka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay saaxiibadiisa oo uu ku jiray Taliyihiisa. Askariga dilka geystay ayaa la sheegay in la xiray, kaasi oo ilaalo ka hayey Albaabka weyn ee laga soo galo Xarunta uu Waardiyaha ka ahaa. Taliyaha la dilay ayaa la sheegay inuu Askariga u sheegay in loo bedelo Bar kale, taasi oo uu Askarigii dood ka keenay, isla markaana uu dilay Taliyihii iyo Sarkaalkii kale ee la socday.Saxafi lagu magacaabo Dawit Endashaw oo u shaqeeya Shabakadda Wararka ee The Ethiopian Reporter waxa uu boggiisa Khaaska ee Facebook-ga ku soo qoray in Taliska Boliska Federalka iyo Goobjooge sheegeen in Sarkaal ka tirsan Boliska Federalka iyo Taliyihiisa uu toogasho ku dilay Askari abaarihii 12-kii Duhurnimo ee shalay oo Isniin ahayd. Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Dowladda Ethiopia ma aysan soo werinin toogashadda lagu dilay Taliye iyo Sarkaal kale oo ka wada tirsanaa Boliska Federalka ee dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip