Kooxda Jobkey oo ku guuleysatay koobka Marxuum Xasan Maxaad (Sawirro)

0
Tuesday February 16, 2016 - 10:13:44 in Sports News by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Jobkey oo ku guuleysatay koobka Marxuum Xasan Maxaad (Sawirro)

    Kooxda Kubada Cagta Jobkey ayaa ku guuleysatay tartankii lagu maamusayay Gudoomiyiihii hore ee Xiriirka Kubada Cagta Gobolka Sh/dhexe Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed (Xasey Kumaari) oo muddo labo bilood ah ka socday magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Kubada Cagta Jobkey ayaa ku guuleysatay tartankii lagu maamusayay Gudoomiyiihii hore ee Xiriirka Kubada Cagta Gobolka Sh/dhexe Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed (Xasey Kumaari) oo muddo labo bilood ah ka socday magaalada Jowhar.

Kulanka kama dambaysta ahayd oo uu daawashadeeda ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jirtay heer degmo iyo heer gobol.

Ciyaartii finalka ahayd ee tartankan oo ay ku wada tartamayeen 19 kooxood oo ka dhisan magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa uu ahaa tartan aad u xiiso badan isla markaana kooxo waaweyn loogu awood sheegtay.

Ciyaartii Finalka ahayd ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha Farjano iyo Jaamacada Jobkey Jowhar iyadoo saacidihii loogu talo galay ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 gool ah.Hase yeeshee rigoorayaal loo dhigay labada koox ayaa kooxda Jaamacada Jobkey waxa ay ku badisay 4-3 waxana ay ku guuleysatay koobkii loo tartamayay.

Gebogabadii ciyaarta ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay ciyaarta iyadoo ugu horeyn uu halkaasi hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Degmada Jowhar Yuusuf Xaamud Jaras.Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay ruugcadaa sport oo ka sheekeeyay taariiqdii uu ku lahaa gobolka Sh/dhexe Allaha u naxariistee Marxuum Xasey Kumaari oo dhamaadkii sanadkii hore geeriyooday.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa guddoonsiiyay koobka tartankan kabtanka kooxda Jobkey waxana uu ku dhowaaqay in laga bilaabo maanta garoonka uu tartankan ka socday ee hore loo oran jirey SNAI loogu magac daray Xasey Maxaad Kumaari.

"Allaha u naxariistee Marxuum Xasey Maxaad waxa uu ahaa nin qeyb weyn ka soo qaatay horumarka bulshada maadaama uu dhinaca ciyaaraha door mug leh mudadii uu noolaa ugu lahaa, waxaan aan leeyahay sanad walba ha loo dhigo koob lagu maamuuso garoonkana laga bilaabo maanta waxaa lagu magacaabi doonaa garoonka Xasey Kumaari.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa guddoonsiiyay bilado iyo abaalmarino kala gedisan dadkii sida weyn uga dhex muuqday tartankan. Waxana dhalinyaradii mudada labad bilood ahayd ku tartamaysay koobkan ay qireen inuu ahaa kii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

ciyaarta finalka (1)

ciyaarta finalka (2)

ciyaarta finalka (3)

ciyaarta finalka (4)

ciyaarta finalka (5) ciyaarta finalka (6) ciyaarta finalka (7) ciyaarta finalka (8) ciyaarta finalka (9) ciyaarta finalka (10)

ciyaarta finalka (11)IMG_6666isbortiga (14)isbortiga (13)isbortiga (12)isbortiga (11)isbortiga (10)isbortiga (6)isbortiga (3)

ciyaarta finalka (12)

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip