Gen. Muungaab "Qaraxii Sababay Geerida Guddoomiye Yariisow Wuxuu Shaki Ku Abuuray Bulshada Somaliyeed"

0
Thursday August 01, 2019 - 22:13:42 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen. Muungaab "Qaraxii Sababay Geerida Guddoomiye Yariisow Wuxuu Shaki Ku Abuuray Bulshada Somaliyeed"

    Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxaa uu ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu dhintay dhaawac ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxaa uu ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir G/Banaadir Eng. Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Gen.Muungaab ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye Yariisow,isagoo Alle SWT uga baryay inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow, mas'uuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa Isbitaallada ayuu sheegay Gen. Xasan Maxamed Xuseen in shaki weyn uu ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed. War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Gen.Muungaab ayaa waxaa Madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay umadda u caddeeyan sida uu dhacay qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir. Qaraxii sababay geerida Guddoomiye Yariisow, mas'uuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa Isbitaallada, kana dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso arrimaha soo socda:Hoos ka Akhriso Warka Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka. Sida uu Qaraxa u dhacay, Cidda fulisay, cidda fududeysay iyo Cidda qaadeysa Mas'uuliyadda Fashilka Amni ee aan indhaha laga qarsan karin. Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino madaxda Dalka iyo Hay'adaha Amniga. Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax Kaalin muuqata ah uu ku yeesho Nabadgelyada Gobolka uu Xaakimka ka ahaa ee Banaadir, Xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama Amar qaadanjirin, Dabadeedna si fudud loo Mishimay. Image result for gen mungaab


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip