Madaxda Sare Ee Dalka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii G/Banaadir

0
Thursday August 01, 2019 - 21:55:39 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Sare Ee Dalka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii G/Banaadir

    Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar. Gudoomiyaha Golaha Shaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheakh C/raxmaan ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyaha G/Banaadir ahaana Duqii Caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Allaah u weydiiyay marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa balaaran. Ra-iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka waxa uuna alle uga baryay in ka waraabiyo Janatul Firdowsa. Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa isna si lamida madaxda kale qaranka uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyaha.Ra-iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaalkiisa tacsida ah sidoo kale la wadaagay Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Duqii Caasimada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow. Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Eng Yariisow" "Tacsi: Aniga oo ku hadalaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar. Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Benaadir ahaana duqii Caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa ka mid ahaa madaxdii ku dhaawacmay qaraxii 24-kii bishii Luuliya ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho. Image result for yariisoow


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip