Ciidamo lagu soo tababaray Turkiga oo dib Muqdisho ugu soo laabtay

0
Thursday August 01, 2019 - 12:26:13 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo lagu soo tababaray Turkiga oo dib Muqdisho ugu soo laabtay

    Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ku simaha taliyaha ciidanka xoogga dalka ahna taliye ku xigeenka ciidanka iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga ee Soomaaliya ayaamaanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ku simaha taliyaha ciidanka xoogga dalka ahna taliye ku xigeenka ciidanka iyo taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga ee Soomaaliya ayaamaanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka ee tababar ku soo qaatay dalka Turkiga. Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowlada Turkiga uga mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka. Cutubyada ka tirsan ciidanka xoogga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhow Sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga Turk-Som ee Muqdisho tobodaabkii hore. Saraakiisha cusub ee soo idleysatay tababarka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan meel marinta istiraatiijiyadda dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxda al-Shabaab oo qeybo dalka ka mid ah ku harsan. Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa dhawaan ku guuleystay in ay al-Shabaab ka fara-maroojiyaan deegaanno istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose sida deegaannada Sabiib iyo Caanoole. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in saraakiil ciidan oo fara badan ay ku biiriso ciidamada ku sugan deegaannada ay dhawaan kala wareegeen al-Shabaab. Ciidamo lagu soo tababaray Turkiga oo dib Muqdisho ugu soo laabtay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip