Mareykanka oo cunaqabateyn saaray wasiirka arrimaha dibaada Iran Mohammad Javad Zarif
Image caption Lahaanshaha sawirka REUTERS
Iran ayaa dhawaan sheegtay iney jabineyso waxyaabihi uu heshiiskaasi ka hor istaagayey ayna dib u billaabeyso tayeynta macdinta Yuraaniyamka, oo ay sheegtay iney quwad koronto ka dhalaneyso balse ujeedkeeda guud uu noqon karo bamka Niyukilarka iney sameysato.
Xiisadda isa sii tareyso iyo dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ee gacanka ka taagan ayaa laga cabsi qabaa iney horseedaan dagaallo iney ka dhacaan marin biyoodka maraakiibta caalamka Muhiimka u ah.
Mareykanka muxuu arrintan ka yiri?
Mr Mnuchin ayaa Mr Zarif ku tilmaamay inuu yahay "afhayeenka Iran caalamka uga hadlo".
"Mareykankana wuxuu farriin cad uu u dirayaa xukumadda Iran oo aan la aqbali karin dabeecadaha ay la soo baxday" ayuu yiri.
"Sida oo kale xukumada Iran waxay shacabka Iran u diidday iney helaan adeegga baraha bulshada, Wasiirka arrimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarif wuuu dacaayadihiisa siyasadeed uu sii mariya baraha bulshada," ayuu yiri Mr Mnuchin.
Iyada oo Mr Zarif cunaqabateynkaasi uu saaran yahay haddana wuxuu safar uu ku joogaa New York isaga oo ka qayb galayo shirka ganacsiga looga hadlayo ee qaramada midoobay, ayuu yiri wariyaha BBC Gary O'Donoghue oo u warramay wargeyska Washington Post.
Mr Zarif siduu uga jawabay?
Me Zarif wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku soo qoray inuu Mareykanka uu cunaqabateyn saaray isaga oo sheegay iney u arkaan mid ay siyaasaddiisu halis ku tahay.
"Waad ku mahadsan tihiin inaad anigu ii aragtaan inaan halis weyn ku ahay siyaasadihiinna."
Mareykanka oo cunaqabateyn saaray wasiirka arrimaha dibaada Iran Mohammad Javad Zarif
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif. Cunaqabateynkan ayaa wuxuu saameynaya dhammaan hantida uu Mr Zariff uu Marey