Faah faahin:-Nabadoon xalay lagu dilay Magalada Kismaayo

0
Thursday August 01, 2019 - 07:56:21 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin:-Nabadoon xalay lagu dilay Magalada Kismaayo

    Rag hubeysan ayaa xalay salaadii Maqrib kadib waxaa ay Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay xalay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa xalay salaadii Maqrib kadib waxaa ay Nabadoon Caan ka ahaa deegaananda Jubbooyinka ay xalay ku toogteen Magalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Nabadoonka oo lagu Magacaabi jiray Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa xilligii la dilayay waxa uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Maqrib oo ku yaalla halka loo yaqaano Dalcad oo ka tirsan Magaalda Kismaayo,waxaana la sheegay in rasaas ay ka haleeshay qeybaah sare ee jirkiisa. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in marka hore Nabadoonka uu soo gaaray dhaawac culus, iyda oo markii dambe uu dhaawicii ugu geeriyooday Isbitaalka Magalada Kismaayo oo ay geeyeen dad ka mid ah eheladiisa. Sidoo kale wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Nabadoonka dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ku hubeysnaa Qoriga AK47, isla markana rasaastii uu furay ay sidoo kale laba ruux ku dhaawacmeen. Suldaan Rashiid Dhurre Cumar ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ugu caansan deegaannada jubbaland,waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee diidanaa qodobada ay dhowaan soo saareen guddiga doorashada Jubaland kuwaasoo uu kamid yahay in Odayaashu ay Saddex qof u soo gudbiyaan guddiga doorashada si ay iyaga uga xushaan qofka Xildhibaanka noqonaya. Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka xalay Magalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Rashiid Dhurre Cumar,waxaana howlgallo baaritaano ah oo aan weli dad lagu soo qaban,waxaana siweyn dilkaas looga dareemay Magalada Kismaayo iyo guud ahaan deegaannada Jubbaland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip