Beelaha HAWIYE oo kulan weyn maanta ku qabanaya magaalada MUQDISHO

0
Thursday August 01, 2019 - 07:51:58 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelaha HAWIYE oo kulan weyn maanta ku qabanaya magaalada MUQDISHO

    Muqdisho (Caasimada Online) –Beelaha Hawiye ayaa la filayaa in kulan weyn ay maanta ku yeeshaan hotel-ka H ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (Caasimada Online) –Beelaha Hawiye ayaa la filayaa in kulan weyn ay maanta ku yeeshaan hotel-ka H ee magaalada Muqdisho, sida ay xubno ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankan u xaqiijiyeen Caasimada Online. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiinta, xildhibaanada, aqoonyahanada, odayaasha iyo waxgaradka kale ee beesha, waxaana uu ka kooban yahay laba ujeedo. Ujeedada koowaad ah ayaa ah in loogu duceeyo mas'uuliyiintii gobolka Banaadir ee ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka, halka ujeedada labaad ee kulanka ay tahay ka hadalka aayaha gobolka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya ergo ku dhow 250 qof oo lagu casuumay.

Beelaha Hawiye ayaa sare u qaadaya dadaalka ay ugu jiraan in gobolka Banaadir uu helo maamul ay dadka soo doortaan oo aan loo soo magacaabin, taasi oo ah hadafkooda koowaad ee ka hor doorashada dalka ka dhaceysa 2020.



Waxgaradka beelaha ayaa isku raacay inaan marnaba la aqbali karin nidaamka hadda ay wax ku socdaan, islamarkaana ay joogaan marxalad ay tahay in gobolka uu helo maamul shacabka matala ama in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay taas ku xaqiijin karaan.

Beelaha Hawiye ayaa waxaa ka go’an in haddii aysan dowladda federaalka aqbalin in gobolka Banaadir uu helo maamul shacabka ay soo doortaan iyo maqam sax ah, inay qaadacaan doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020, islamarkaana ku dhowaaqaan maamul gaar ah.

XIGASHO:-Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip