Guddoonka Labada Golle Ee Baarlamaanka DFS Oo Khudbad U Jeediyay Xildhibaanada Puntland

0
Wednesday July 31, 2019 - 20:43:49 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Labada Golle Ee Baarlamaanka DFS Oo Khudbad U Jeediyay Xildhibaanada Puntland

    Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas. Kulanka oo ahaa midkii 23-aad ee Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas. Kulanka oo ahaa midkii 23-aad ee Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeeka koowaad ee Aqalka Sare ee Dalka Abshir Maxamed Axmed Bukhaari. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Khudbad ka jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka sare ee dalka Abshir Bukhaari,waxaana uu sheegay in Aqalka Sare uu wadashaqeyn buuxda uu la yeelan doono Baarlamaanka Puntland. Dhinca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan aya dhankiisa Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,isagoo bogaadiyay howlaha shaqo ee u ahayan Puntland."Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah wuxuuna idinkala shaqeyn doonaa arrimaha Xeer-dejinta iyo is waafajinta Shuruucda labada heer" ayuu yiri Abshir Bukhaari. Guddoomiye Mursal, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray Magaalada Garoowe,iyagoo halkaas kaga qeyb geli doonaan Xuska markii la aas aasay Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo Kale xiritaanka fadhiga 44-aad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip