Imaaradka oo war ka soo saaray warbixintii Qatar la xiriirisay qaraxii Boosaaso

0
Wednesday July 31, 2019 - 18:35:26 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaradka oo war ka soo saaray warbixintii Qatar la xiriirisay qaraxii Boosaaso

    Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaradka Carabta Anwar Gargaash oo ka hadlay maqaalkii uu daabacay wargeyska New York Times ee looga hadlay in Qatar ku lug laheyd qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in taasi ay cadeyn u tahay xiriirka Qatar ay la leedahay argagixisada. Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray "halista codka la duubay ma ahan mid lagu dabooli karo war-saxaafadeed la soo saaray." Wasiirka ayaa intaasi ku daray "u ololeynta argagixisanimo ee ka dhanka ah Imaaraadka waa mid laga shaleyn doono" wuxuuna intaa raaciyay in xiriirka afarta dal u jareen Qatar uu ahaa mid loo baahnaa. Toddobaadkii tagay, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso. Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof. Image result for imaaradka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip