Rakaab Badan Oo Ku Le'day Bas Ay Miino La Kacday

0
Wednesday July 31, 2019 - 18:20:05 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rakaab Badan Oo Ku Le'day Bas Ay Miino La Kacday

    Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa waxay saakayto ku geeriyoodeen Galbeedka dalkaasi, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen uu dul maray Bam lagu aasay waddada dhinaceeda. Afhayeenka Taliyaha Boliska Gobalka Farax ee dalkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa waxay saakayto ku geeriyoodeen Galbeedka dalkaasi, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen uu dul maray Bam lagu aasay waddada dhinaceeda. Afhayeenka Taliyaha Boliska Gobalka Farax ee dalkaasi, Muxibullaahi Muxib ayaa sheegay inay 15 kale ku dhawaacmeen qaraxaasi, kuwaasi oo badankooda xaalladooda aad u liidato. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda qaxaasi, inkastoo ay Dagaalamayaasha Daalibaan ku firfircoon yihiin Gobalka Heart ee Galbeedka Afganistan, wuxuuna Qaraxan ku soo beegmay hal maalin kadib, markii ay Hawlgalka QM u jooga dalkaasi ay soo saareen Warbixin ay ku sheegeen in Ciiddanka Dowladda Afganistan lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2019-ka ay dileen 403 qof, halka ay Ciiddanka Isbahaysiga NATO ay dileen 314 qof oo rayid ah.Baska ay miinadu la kacday waxaa uu ku safrayey Waddada weyn ee isku xirta magaalladda Heart ee ku taalla Galbeedka dalkaasi iyo magaalladda Koonfurta ku taalla ee Khandahaar . Tirada Guud ee Rayidka Afganistan ee la dilay 6-dii bilood ee la soo dhaafay waxay gaarayaan 717-qof, oo aysan ku jirin kuwa maanta lagu dilay Baska ay miinadda kula kacday Galbeedka dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip