Sawirro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Federaalka Oo Ka Dhacay Kismaayo

0
Wednesday July 31, 2019 - 18:17:54 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Federaalka Oo Ka Dhacay Kismaayo

    Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaliya. Dadka banaanbaxa dhigay ayaa ka soo horjeeday faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ay ku h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaliya. Dadka banaanbaxa dhigay ayaa ka soo horjeeday faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ay ku heyso arrimaha Jubbaland gaar ahaan doorashooyinka ee dhawaan lagu qaban doono Kismaayo. Kumanaan dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha Kismaayo ayaa waxa ay socod dheer ku soo mareen wadada halbowlaha u ah halkaas, waxa ayna wateen boorar ay ku xardhanyihiin qoraallo ka turjumaya midnimada Jubbaland iyo kuwo kale. Sikastaba dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa todobaadkii la soo dhaafay hakisay wadashaqeyntii ay la aheyd dowladda Federaalka,isla markaana sheegtay in wax mas'uul ah oo ka socda dowladda uusan ka imaan karin deegaanada Jubbaland.Sidoo kale dadka dhigayay banaanbaxa ayaa Odayaasha dhaqanka,Siyaasiyiinta iyo Shacabka ugu baaqay sidii ay uga wada qayb qaadan lahaayeen ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip