Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Dhismo Cusub

0
Wednesday July 31, 2019 - 18:09:36 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xariga Ka Jaray Dhismo Cusub

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Xarig jarka Xarunta Cusub waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Marwo Fowsiyo Maxamed Shekh wasiirka Tamarta iyo kheyradka biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Iiman Cali Cabdi Madaxa hay"adda IOM Somaliya miss Diana iyo Masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa Kormeerey qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan Cusub waxaana uu Sheegey In tani ay tahay mid muujinaysa Hormarka Hiigsiga Hormarineed ee ka ifaya koonfur galbeed. Marwo Fowziya Maxamed Sheeq Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in kan Wasaarad ahaan ay ku tala jiraan sidii Baahiyaha korontada iyo biyaha ee ka jira KG ay wax uga qaban lahaayeen.Miss Diana Madaxa Hay"adda IOM Somaliya ayaa ka hadashay munaasabad kooban oo ay ka dhacday Gudaha Xarunta waxay Sheegtay in kan Hay"ad ahaan ay ka go'antahay inay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed waxaana ay sheegtay in Qorshihii hore Shaqada ay wax ka bedelayaan si kaalin weyn ay uga geystaan Deeganada KG. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed mudane cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa u mahadceliyey Cid waliba oo kaalin ka geysatay Dhisida Xaruntaan Cusub waxaana uu sheegey Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha inay Tahay wasaaradaha ugu muhiimsan Bulshada Waxana uu sheegey in inta aan loo dooran Xilka Madaxweynenimo uu Ahaa wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Dowlada federaalka somaliya uuuna halkan keenay mashaariic farabadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip