Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Ciidanka Kenya Ku Leeyihiin Gobolka Gedo

0
Wednesday July 31, 2019 - 18:04:16 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Ciidanka Kenya Ku Leeyihiin Gobolka Gedo

    Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada ku lahaayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolkaas. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada ku lahaayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolkaas. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday Madaafiic culus,waxaana qaar kamid ah Madaafiicda ay ku dhaceen gudaha Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo. Al-shabaab ay warar ku qoreen barahooda Internet-ka waxaa ay ku sheegteen Mas'uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkaas.Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in weerarka Madaafiicda ahaa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aan la xaqiijin inta uu la egyahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip