Sacuudiga Oo Boqolaal Malaayiin Oo Dollar Siiyey Suudaan

0
Wednesday July 31, 2019 - 17:57:55 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Boqolaal Malaayiin Oo Dollar Siiyey Suudaan

    Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday inay lacag kaalmo ah oo dhan 250 million oo Dollar dhigtay Bandhiga Dhexe ee dalka Suudaan, si wax looga qabto Qalalaasaha ka taagan dalkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Suudaan aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday inay lacag kaalmo ah oo dhan 250 million oo Dollar dhigtay Bandhiga Dhexe ee dalka Suudaan, si wax looga qabto Qalalaasaha ka taagan dalkaasi. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in Ballanqaadkaasi Dhaqaale qeyb ka yahay Xirmooyinka Lacageed ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dhawaaqeen bishii April inay Suudaan siin doonaan lacag dhan 500 oo million oo Dollar. Labadaa Dowladood waxay xilligaasi ballanqaadeen lacag guud ahaan dhamayd 3 Billion oo Dollar, iyadoo inta ka hartay Lacagtaasi lagu bixin doono Shidaal, Qamadi iyo Daawooyin la siiyo dadka Reer Suudaan ee weli bartanka kaga jira Xiisadda Siyaasadeed. Yabvoohaasi waxa uu xal u noqon doonaa Qiimaha Lacagta Giniga ee Suudaan ee hoos u dhacday iyo sidii loo abuuri lahaa deganaanshaha dhanka qiimaha Sarifka Lacagaha ee dalkaasi. Waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka Carabka jeceshay inay caawiyaan dalka suudaan oo uu xusay inuu yahay dal muhiim ah Dowladaha Carbeed, xilliga Kala-guurka ee ay ku jiraanWasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Garqaash waxa uu horey u sheegay in Xirmooyinka Lacagta ee ay Sacuudiga iyo Imaaraadka sida wadajir u siinayaan Suudaan inay tahay dalkaasi oo u baahan taageero, kadib, 30-sanno oo Talis Milliteri oo Keli-talis ah soo maamuli jirey. Bishii December ee sannadkii hore, Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday Madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Albashiir ayaa ka dhacay dalkaasi, iyadoo ay dadweynuhu ka cabanayeen qiimaha Rootiga iyo Shidaalka oo sare u kacay. Wuxuuna Dibadbaxaasi horseeday in Madaxweyne Albashiir xilka kala tuuro bilowgii bishii April ee la soo dhaafay, isla markaana isaga loo taxaabay Xabsiga. Balse, Rabshadaha ka socda Suudaan ayaa weli sii socda, waxaana laga war sugayaa Awood-qeybsiga Maamulka ee ay Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka ku doonayaan inay ku yegleelaan Dowlad loo dhan yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip