Wasiiro Muslimiin Oo Horey Isku Casilay Oo Dib U Soo Laabtay

0
Wednesday July 31, 2019 - 17:54:58 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Muslimiin Oo Horey Isku Casilay Oo Dib U Soo Laabtay

    Afar Wasiir Muslimiin ah oo xilka iska casilay dhowr bilood ka hor ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen Xilalkii ay ka hayeen Dowladda Sri Lanka. Wasiiradaasi waxaa horey loogu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay in ka bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Wasiir Muslimiin ah oo xilka iska casilay dhowr bilood ka hor ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen Xilalkii ay ka hayeen Dowladda Sri Lanka. Wasiiradaasi waxaa horey loogu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay in ka badan 250-qof oo ku sugnaa Kaniisado ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kolombo, bale, Baaritaano kadib, waxaa la ogaaday inay Wasiiradaasi ku lug lahayn dhacdadaasi. Afarta Wasiir ee dib ugu soo laabtay Xilakooda oo ka mid ahaa 9 Wasiir oo bishii hore iska casilay xilalkooda, waxayna ka caroodeen, kdaib, markii Wasiirkii Wershadaha iyo Gnaacsiga, Rashiid Bathidiin lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkaasi, inkastoo uu isagu beeniyey arrintaasi.Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Wasiiradaasi xalay la kulmeen Madaxweyne Maithripala Sirisena, isla markaana la isku racaay inay dib u hawl galaan. Weerarkii qaraxyadda lahaa ee ka dhacay dalkaasi waxaa sheegatay Kooxda Jamaacatul- Towxiid oo xiriir la leh Maleeshiyadda Daacishta ku sugan Koonfurta Qaaradda Asia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip