Muwaadiniinta Reer Galbeedka Oo Looga Digay Inay U Socdaalaan Dhulka Soomaalida Ee Ethiopia.

0
Wednesday July 31, 2019 - 10:27:42 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniinta Reer Galbeedka Oo Looga Digay Inay U Socdaalaan Dhulka Soomaalida Ee Ethiopia.

    Dowladaha Maraykanka, Britain Iyo Canada Waxay Shalay Oo Ay Bishan July Ahayd 29-Ka Soo Saareen Digniino Dhaanka Sfaarka Oo Ay Muwaadiniintooda Uga Digeen Inay Socdaal Ku Tagaan Dalka Ethiopia, Oo Ay Ku Jiraan Deegaanadda Ay Soomaalida Ka Deggan Taha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Maraykanka, Britain Iyo Canada Waxay Shalay Oo Ay Bishan July Ahayd 29-Ka Soo Saareen Digniino Dhaanka Sfaarka Oo Ay Muwaadiniintooda Uga Digeen Inay Socdaal Ku Tagaan Dalka Ethiopia, Oo Ay Ku Jiraan Deegaanadda Ay Soomaalida Ka Deggan Tahay Dalkaasi. Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay Heerka La-talinta dhinaca socdaalka ee Ethiopia ka dhigeen Heerka Labaad (Level 2), iyadoo Muwaadiniinta Maraykanka looga digay khatarta ay kala kulmi karaan shilalka qalalaasaha Qabaa'ilka iyo Isgaarsiin xumida ka jirta dalkaasi. Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay kaloo sheegtay in la ballaariyey digniinta dhanka socdaalka ee dalka Ethiopia, iyadoo ay digniin la'aan dalkaasi ka dhacaan Colaad-beeleedyo abuuri karta Deganaansho La'aanta. Dowladda Ethiopia waxay xadiday ama xirtay Khadadkii Internerka, Xogta Telefoonadda Gacanta iyo Adeegyadda Telefoonadda muddadii ay colaadaha sokeeye ka socdeen qeybo ka mid ah dalkaasi. Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka waxay sheegtay in Xayiraadahaasi xagal-daacisay Awoodda ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba u leedahay inay la xiriiraan iyo inay Adeegyadda Qunsulliyadda u fidiyaan Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Ethiopia. Safaaradda Maraykanka waxaa xadidmay awoodii ay u lahayd inay Adeegyo Degdeg ah siiyaan Muwaadiniintooda ku sugan meelaha ka baxsan Addis Abeba. Sababo dhanka Ammaanka darteeda, shaqaalaha dowladda Maraykanka waxaa waajib ku ah inay codsadaan Fasax socdaal kasta oo ka baxsan Addis Abeba, waxaana looga baahan yahay inay qaataan qalabka Isgaarsiinta ee lagula socon karo dhaqdhaqaaqa qofka, iyadoo mararka qaarkoodana la qaadanayo Telefoonadda ku shaqeeya Dayax-gacmeedka. Waaxda Arrimaha dibedda Maraykanka waxay kaloo sheegtay in shaqaalaha dowladda Maraykanka iyo qoysaskooda aanay u socdaali Karin Deegaanadda Heerarka 3-aad iyo 4-aad kaga jira La-talinta dhinaca Socdaalka, marka laga reebo hawlaha ganacsiga rasmiga ee waqtiga xadidan leh ee Safaaradda laga oggolaaday. Dhinaca kale, Dowladaha Britain iyo Canada waxay iyagana soo saareen La-talinta dhanka Socdaalka ee Muwaadiniinta, marka ay booqanayaan dalka Ethiopia. Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee dalka Britain waxay Muwaadiniintooda kula taliyeen inaysan socdaal ku tegin Demooyinka Fiiq, Jarar, Siti, Faafan, Godey, Qorraxay, Wardheer, Afdheer iyo Liibaan oo ka tirsan Deegaanadda Maamulka Soomaalida ee Ethiopia. Waxaa kaloo looga digay inay u socdaalaan qeybo ka mid ah Goballadda Oromiya iyo Gambeela-ha ee Ethiopia iyo Xuduudka Eritrea. Sidoo kale, Muwaadiniinta Britain waxaa looga digay inay 100 KM ka fogaadaan Xuduudka Ethiopia la leedahay dalalka Somalia iyo Kenya. Digniinta dhanka Socdaalka ee looga digayo in lagu tago Ethiopia ayaa lagu tilmaamay war nasiib-xumo ah tan iyo markii ay Ethiopia soo dhaweysay 1 million oo qof oo booqasho dalkaasi sannadkii 2016-kii oo keliya. Dalka Ethiopia oo dad ku nool lagu qiyaaso in ka badan 200 milluon oo qof waxaa sannadkii 2015-kii loo aqoonsaday meesha ugu wanaagsan ee lagu maqsuudo Dalxiiska Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip