Maalgelintii Ciidanka Kenya Ee Somalia Oo Kala-Bar La Dhimay

0
Wednesday July 31, 2019 - 10:26:23 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalgelintii Ciidanka Kenya Ee Somalia Oo Kala-Bar La Dhimay

    28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe iyo Saaxiibadooda ayaa la sheegay inay jareen Dhaqaalihii ay ku bixin jireen Mushaaraadka Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka aMISOM. Tiro-koobkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu muujinayaa i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

28-ka Dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe iyo Saaxiibadooda ayaa la sheegay inay jareen Dhaqaalihii ay ku bixin jireen Mushaaraadka Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka aMISOM. Tiro-koobkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu muujinayaa in la dhimay Kala-bar Lacagihii Mushaaraadka ee la siin jirey Ciiddankaasi ee Sannad-maaliyadeedka oo dhamaaday bishii June ee sannadkan 2019-ka. Lacagaha caddaanka ee Hawlgalka AMISOM loo soo gudbiyey xilliga 12-ka bilood ayaa la sheegay inay Dhaqaalaha Ciiddanka Kenya ahaa mid qiyaastii ku dhowq kala-bar Miisaaniyaddii ay EU-da horey u bixin jirtey. Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibadooda waxay dib u bixiyeen lacag dhan 4.3 Billion oo Shillinka Kenya ayaa u muuqata inay tahay mid kala bar, iyadoo horey loo siin jirey lacag guud ahaan ah dhamayd 8.5 Billion oo Shillinka Kenya, sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Kenya. Ilaa 4,000 oo Ciiddan Kenyan ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, wuxuuna Askari kasta mushaar ahaan bil kasta u qaataa 1,028 Dollar oo u dhiganta 106,706 Shillinka Kenya, iyadoo Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ka jartaan Mushaarka Askari kasta lacag dhan 200 oo Dollar oo lagu sheegay inay tahay Kharashaadka Maamulka.Wasaaradda waxay kaloo rajeynaysaa inay Midowga Europe dib u soo celin doonaan 5 Billion ooShillinka Kenya sannad-maaliyadeedka bilowday bishan July, waana lacagtii ugu yarayd ee shantii sanno ee la soo dhaafay la siiyo Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia. Dhinaca kale, Midowga Europe waxay bixiyaan Mushaaraadka Ciiddanka AMISOM, Shaqaalaha Rayidka iyo kuwa Caalamiga, Kharajka Xafiisyadooda iyo qeybo kale. Sidoo kale, Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia waxay iyagana bixiyaan Taageeradda Loojistikadda ee Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS xilliyadda ay samaynayaan Hawlgalladda Wadajirka. QM waxaa soo foodsaaray culays dhanka dhaqaalaha, iyadoo Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ka digay xaalladaasi, haddii aan dhaqaale si degdeg ah loo helin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip