Somalia Iyo Netherland Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kala Duwan

0
Wednesday July 31, 2019 - 10:24:45 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Iyo Netherland Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kala Duwan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay ku qaabilay Magaalada Muqdisho Safiirka Netherlands ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Frans Makken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, garsoorka, socdaalka iyo waxbarashada. Kulanka oo lagaga dooday dhowr qodob oo muhiim u leh labada dal ee saaxiibada ah, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi iyo mas'uuliyiin kale oo uu ku jiray sarkaal ka wakiil ahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip