Sawirro:-Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Lagu Qabtay Malaysia

0
Tuesday July 30, 2019 - 21:10:30 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Lagu Qabtay Malaysia

    Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Dalka ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya iyo xubno matalayay ganacsatada Dalka ayaa Sanadkii Labaad ka qeyb galay shir looga hadlayay xoojinta is-dhexgalka xirriirka ganacsiga iyo maalgashiga Waddamada Carabta iyo Aasiya. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday Dowladaha Carabta, Waddamada Aasiya, ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Waddamada Caalamka, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay fursado muhiim u ah maalgashadayaasha Dunida. Mohamed Amiin Abuukar, oo shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay in Sanadkii Labaad ay kasoo qayb gasho shirkaan muhimka u ah is-dhexgalka ganacsiga Waddamada Carabta iyo Aasiya.Wafdiga Dowladda Soomaaliya ugu qeyb galaya shirka ayaa waxaa hoggaaminaayey uqeybsanaha ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya u fadhiya Dalka Malaysia mudane; Maxamed Amiin Abuukar. Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo Maalgashadayaasha kasoo qeyb gashay shirka in ay maalgashaan Waddanka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu Dalku yahay mid soo koraya islamarkaana ay fursado badani jiraan, Soomaaliyana ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso cid walba oo dooneysa inay ka qeyb qaadato fursadaha ka jira Dalkeenna.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip