Diyaarad milateri oo ku dhacday dalka Pakistan

0
Tuesday July 30, 2019 - 21:08:44 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad milateri oo ku dhacday dalka Pakistan

    Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, markii diyaarad yar oo nooca milateriga ah ay ku dhacday xilli hore oo Talaadada maanta ah meel ku dhow magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan. Afhayeen u hadlay hay'a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, markii diyaarad yar oo nooca milateriga ah ay ku dhacday xilli hore oo Talaadada maanta ah meel ku dhow magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistan. Afhayeen u hadlay hay'adda badbaadada maxalliga oo lagu magacaabo , Farooq Butt ayaa sheegay in ay heleen 17 mayd ah, oo 12 ka mid ihina ay yihiin dad rayid ah, halka dhaawacuna uu ku sheegay 12 qof, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaadka. Milateriga Pakiskan ayaa dhankooda war ka soo baxay ku sheegay in diyaaraddu ay ku jirtay howlo tabbabar ah markii u shilku dhacayay, iyagoo intaasi ku daray in ay saraakiisha badbaadada demiyeen debka , dadka dhaawacmayna ay u qaadeen Isbitaallada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip