Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed oo daahfurkiisa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada

0
Tuesday July 30, 2019 - 21:02:08 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed oo daahfurkiisa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada

    Munaasabad lagu daahfurayay Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada. Dadweyne kala duwan oo ay qeyb ka yihiin mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Ontario iyo ururrada ka dhisan magaalada Toronto ayaa ka qe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu daahfurayay Xisbiga Xoriyadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada. Dadweyne kala duwan oo ay qeyb ka yihiin mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Ontario iyo ururrada ka dhisan magaalada Toronto ayaa ka qeyb galay munaasabadda. Guddoomiyaha xibiga ,Axmed Cumar Gaagaale ayaa dadkii ka qeyb galay munaasabadda u sheegay aragtida uu xambaarsan yahay xisbiga oo ay kamid yihiin ka shaqeynta caddaaladda, is-aaminaadda, midnimada, sinnaanta iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Dadkii ka qeyb galay munaasabadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xaqiijinta nidaamka xisbiyada, si looga gudbo awood qeybsiga ku dhisan 4.5 taasoo ay sheegeen in loogu gefayo dad Soomaaliyeed. Xildhibaanka gobolka Ontario ee laga soo doorto xaafadda York South Weston, Faysal Xasan ayaa soo dhaweeyay xisbiga isagoo xusay in nidaamka xisbiyada uu yahay mid looga gudbi karo xaaladda siyaasadeed ee xilligan. Gurey Xaaji Xasan, guddoomiyaha xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed ee fadhiggeedu yahay magaalada Muqdisho iyo Saciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan xarunta horeyna wasaarado kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii hore ayaa sidoo kale ku dheeraaday muhiimadda xisbiyada iyo in loo baahan yahay sidii lagu hubin lahaa in laga gudbo nidaamka qabaliga ku saleysan ee afar iyo bar. Qaar ka tirsan dadkii ka qeyb galay ayaa su'aalo weydiiyay guddoomiyaha xisbiga xoriyadda Soomaaliyeed Axmed Cumar Gaagaale. Sidoo kale qudbadaha waxaa bar-bar socday heeso waddani ah oo uu ku luuqeynayay Axmed Waddani.
thumbnail

thumbnail
thumbnail


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip