Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Ciidamo Dhawaan La Qarameeyay

0
Tuesday July 30, 2019 - 20:58:54 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Ciidamo Dhawaan La Qarameeyay

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ugu tegay ciimada xoogga dalka ee ka tirsan guutada 15-aad ee taliska qaybta 21-aad, oo ka kooban ciidamadii dhawaan la qarameeyay ee Ahlu Sunna iyo ciidamadii qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo hadda diyaar u ah howl-gallo ka dhan ah Al-shabaab. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay kormeer dhiirri gelin iyo dardaaran ah ayaa ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada, qarannimada, sugidda amniga iyo howl-gallada Al-shabaab looga xoreynayo deegaannada ay uga suganyihiin dowlad gobaleedka Galmudug. Ra'iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ula dardaarmay Taliyaha guutada 15-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame iyo taliyaha taliska 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir (Kaanti), isaga oo ku adkeeyay in ay gutaan mas'uuliyadda ka saaran difaaca dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada ay u xil saaranyihiin. Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay Al-shabaab uga sugan yihiin.Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in muhiimad wayn ay dowladda u leedahay tayeynta ciidamada iyo qalabeyntooda ayaa ballan qaaday in si dhaqsa ah loo dhisayo xarunta 21-aad, ciidamadana loo dhammaytirayo dhammaan qalabka iyo tababarrada ay u baahanyihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan fulinta mas'uuliyadda weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip