Akhriso:-Awaamiir Lagu Soo Rogay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb

0
Tuesday July 30, 2019 - 09:39:01 in Wararka by
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Awaamiir Lagu Soo Rogay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kulan looga hadlayay amniga ku yeeshay Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Heer Fadaral qaybaha ka Howlgala Galmudug. Kulanka amniga ayaa markii soo dhammaaday,kadib waxaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kulan looga hadlayay amniga ku yeeshay Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Heer Fadaral qaybaha ka Howlgala Galmudug. Kulanka amniga ayaa markii soo dhammaaday,kadib waxaa laga soo saaray Awaamiir iyo Digniin ku socota ku socota Bulshada degan Magaalada Dhuusamareeb,kuwaasi oo ay isku raaceen Hay'addaha amniga ee Heer Fadaral qaybaha ka Howlgala Galmudugb,isla markaana Fadhigooduna yaha halkaas Awaamiirta iyo Digniinka loo diray Shacabka Dhuusamareeb ayaa ka kooban 10 qodob,kuwaasi oo kala ah. 1.Muwadinkii iska iibinaya Garigiisa kuna sugan gudaha Dhuusamareeb waa inuu soo wargaliyaa Xafiisyada qabilsan Diiwangalinta Gadiidka ee labada Xafiis. 2.Muwaadiniinta leh gaadiidka waa inay qaataan Targada maamulka Lamana ogolan doono Gaari aan laheyn Taargo Oo ah Aqoonsiga Uu gaari Kushaqeeyo. 3.Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyada Guri Kuyala Casimada Rabana Inuu ijaarto(Kireeysto) Waa Inuu Lasoo Xariiro Ama Yimaado Talisyada Hayadaha amniga si loola Socdo Dhaq Dhaqaaqa Cida Dagaysa Guriga Sida' Shirkad,Hayad, INGO,Masuliyiin Ama Muwaadiniin Iska Caadiya. 5.muwaadinkii La Qabto Isagoo Hub Kudhex Wata Caasimada sida' qori_Bistolad_Ama Bumbo aan Laheyn Sumad Loo Raaco Isaga Iyo Hubkiisaba Waxaa Lawaregi doona Haayadaha Amniga Ee Caasimada.4.Cidii Kireeysa Guri Aysan Lasocodsiin Hayadaha Amniga Iyagaa Masuul Kanoqon Doona Wixii Gurigas Lagu Qabto Ama Kayimaada. 6.Gaadiidka Ay Ku Dahaaranyihin muraayadaha Madow (Bensulka) Waxa Lagu Wargalinayaa Inay Iska Diwan galiyan Talisyada Amniga Si loo siiyo Aqoonsiga Beensulka. 7.Gaarigii Ku dhex Socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacada socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki Doona Gaari Kaqayb Qaadanaya Qalqalgalinta Amniga. 8.Muwaadininta Waxaa Laga Codsanayaa Inay Si Buuxda ula Shaqeyaan Hayadaha Amniga Si Loo Ilaaliyo Badqabka Muwadinka Naftiisa Iyo Maalkisaba. 9.Muwadinkii Arka Gaari,Goob Ama Shaqsi Uu Kashakiyo Waa Inuu Si Deg Deg Ah ula Xariiro Hayadaha Amniga Si Loo baajiyo Qatar Laga Yaabo Inay Mahadho Reebto. 10.Askari Kasta Ee Katirsan Xero kamida Qaybaha Ciidanka ee Sobaxaya Waa Inuu Soo Qataa Aqonsigiisa Ciidanimo Si Aysan Udhicin Is Maandhaaf iyo Isku Ekeeyn Xiliyada Howlgaladu Socdaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip