Sudan : Ciidamada oo Shan qof toogasho ku dilay

0
Tuesday July 30, 2019 - 09:37:07 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sudan : Ciidamada oo Shan qof toogasho ku dilay

    Waxey u muuqataa in uu culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kaddib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan. Isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxey u muuqataa in uu culeys ayaa soo food-saaray heshiiskii nabaadda ee dalka Sudan, kaddib markii afar caruur arday ah iyo dadkale lagu dilay dibadbaxyo ka dhacay Magaalada El Obeid, ee gobolka Kordofan. Isbaheysiga ugu weyn ee mucaaradka dalkaas, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee Sudan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkan oo ay ka mid yihiin arday dhigata dugsi sare, kuwaas oo ka cabanayay shidaalka iyo cuntada oo aad gabaabsi u ah, waxayna ku baaqeen dibadbaxyo ballaaran oo dalka oo dhan. Sidoo kale ururka aqoonyahanada dalkaas, oo hormuud ka ahaa isbadelkii ka dhacay Sudan ayaa waxay dalbadeen in si dhakhsi ah awoodda loogu wareejiyo dowlad rayid ah.

 Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ardayda oo ku hor bannaan baxaya isbitalka weyn ee Magaalada El Obeid, kadib markii dadka la laayay.



Wariye BBC-da uga soo waramay Sudan ayaa sheegay in dadkale ay iyaguna isugu soo baxeen caasimadda Khartoum.

Dadkan ayaa ku qeylinayay in "Qofkii wax dilay isna ha la dilo", waxaana bandaw lagu soo rogay Magaalada iyo dhowr Magaalo oo kale.

Sidoo kale waxaa la xiray dhamaan goobaha waxbarashada ee gobolka Kordofan. Dhawaan ayaa lagu wadaa hogaamiyeyaasha dibadbaxayaasha iyo golaha milateriga ay yeeshan wadahadalo kale, si loo soo dhiso dowlad ku meel gaar ah oo awood qeybsi ah.

Dalka Sudan ayaa intii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Cumar Al- Bashir waxaa ka tagnaa qalalaaso iyo dibadbaxyo ka dhan ah milateriga xukunka la wareegay.
Xigashada Warka BBC 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip