HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA LUULYO 2019-KA

0
Tuesday July 30, 2019 - 09:28:58 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA LUULYO 2019-KA

    HESHIIS IS AFGARAD AH OO LAGA GAARAY KULAMO U SOCDAY RW KHEYRE IYO AHLUSUNNA M/Dhuusamareeb ee Caasimadda dow lad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulamo xasaasi ah oo Saacado badan qaatay,kuwaasi oo u dhexeeyay Ra'iis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HESHIIS IS AFGARAD AH OO LAGA GAARAY KULAMO U SOCDAY RW KHEYRE IYO AHLUSUNNA M/Dhuusamareeb ee Caasimadda dow lad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay kulamo xasaasi ah oo Saacado badan qaatay,kuwaasi oo u dhexeeyay Ra'iisul Wasaaraha XFS iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca. Kulamada u socday R/Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ay aa waxaa looga hadlayay arrimo kala du wan oo qodobka ugu weyn uu ahaa cida sugeysa amniga Magaalada Dhuusamare eb iyo arrimo kale,waxaana lagu soo wa ramayaa in labada dhinca ay wada gaa reen heshiisyo is afgarad ah. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku dar ayaan in Xukuumadda iyo Ahlusunna Wal jameeca ay ku heshiiyeen in howlihii ka socday Magaalada Dhuusamareeb ay sid oodii usii socdaan,isla markaana deegaa nada maamulka Galmudug aan laga soo dejin Ciidamo ka socda DFS Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee GOBOLKA Galgaduud ayaa lab adii maalin ee la soo dhaafay laga soo ka la celiyay diyaarado Ciidamo gaar ah sid ay,kuwaasi oo la sheegay in dowladda Fe deraalka dooneysay in laga dejiyo halka as,hayeeshee dib loogu soo celiyay M/Mu qdisho. R/WasaarahaXFS Md.Xasan Cali Khe yre iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljam eeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhawaan ku heshiiyay in amniga do wladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka dowladda,isla markaana la qare emayay Ciidankii ka tirsanaa Ahlusunna, kuwaasi oo lagu wareejiyay dowladda Federaalka.

 

 

 

 

 

WASIIR CAWAD OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

      Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Md. Danjire Axmed Ci ise Cawad, ayaa Shalay qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Ururka Isk aashiga Islaamka oo uu hoggaaminayo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Agaasima ha Guud  ee Waaxda Arrimaha Siyaasad da ee Ururka oo Dorraad subax oo Axad ahayd soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray iskaa shiga iyo iskuduwidda wadajirka ah ee dhi nacyada siyaasadda iyo bani’aadannimada iyo sidoo kale taageer idda dib u heshiisiinta qaran, la dagaalan ka argagaxisada, dib u dhiska dalka iyo dadaalka XFS ee deganaansho iyo nab adgelyo ku soo dabaalidda dalka.

   Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gobo lka iyo dunida inteeda kale.

MURRASHAX MADAXWEYNE OO KA BADBAADAY QARAX

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, 50-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin ka dhacday caasimadda dalka Afganistan ee Kabul.

      Is-qarxintaasi waxaa lala beegsaday Xafiiska mid ka mid ah Murashixiinta Mada xweyne-ku-xigeenka dalka Afganistan oo lagu magacaabo Amrullaah Salaax, kaasi oo uu soo gaaray dhawaac fudud.

      Hadal Shalay ka soo baxay Dowladda Afganistan ayaa lagu sheegay inuu qaraxa asi ka badbaaday Amrullaah Salaax oo u tartamaya inuu Madaxweyne-ku-xigeen u noqdo Madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi ee Ashraf Qaani.

     Weerarka Is-qarxinta oo ay israsaas ayn la socotay aya waxay ka dhacday Xafi iska Murashaxa oo ka koobnaa 4 Dabaqa, iyadoo Ciiddanka Ammaanka iyo Maleesh iyadda weerarka geysatay uu dhex maray dagaal socday muddo 6 saacadood.

      Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Nasrat Raxiimi wa xa uu sheegay in la dilay 3 ka mid ah koox dii weerarka soo qaaday, inkastoo ay dad badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkaasi.

     In ka badan 150 qof oo rayid ah ayaa laga soo badbaadiyey dhismaha uu dag aalku ka dhacay. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo dhacay saa cado kadib, markii ay Madaxweyne Ashraf Qaani iyo Murashaxiisa Madaxweyne-ku-xigeenka, Amrullaahi Salaax iyo Siyaasiyi in kale bilaabeen Ololahooda Doorashada Madaxtinimadda oo  la filayo inay dhacdo bisha September 28-da ee sannadkan.

      Ololaha doorashadda oo socon doona muddo 2 bilood ayaa waxaa aad looga walaacsan yahay dhanka Ammaanka, iya doo ay Dagaalamayaasha Daalibaan iyo Daacish si firfircoon uga hawl-galaan guud ahaan dalka Afganistan.

    Labadaasi kooxood waxay maalin kasta geystaan weeraro iyo qaraxyo lala beeg sado Ciiddamadda iyo Shaqalaaha Dowl adda, Xarumaha Ciiddanka Caalamiga ee ka hawlgala dalkaasi iyo dadka rayidka.

MAXKAMADDA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH KU RIDDAY ASKARI KU EEDEYSNAA FUDUDE YN TA DILKA PAUL ANTHONY

    Maxkamadda ciidammada Puntland ay aa Shalay xukun dil ah ku ridday askari ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerar lagu dilay bishii February ee sannadkan maar eyihii ajanabiga ahaa ee dekedda Boos aaso,Paul Anthony Formosa.

         Nin dhallinyaro ah oo hubeysan oo markii dambe dhaaw ac u geeriyooday ay aa toogasho ku dilay Paul Anthony Form osa, oo maareye uga ahaa shirkadda P&O ee dalka Imaaraadka Carabta dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dable Cabdi Cali Xirsi , oo ka tirsanaa ciid ammada badda ee Puntland ayay xeer be egtaddu sheegtay in uu dambiga ku cada adey isla markaana lagu xukumay ciqaab ta uu mudanyahay, balse wuxuu heystaa fursad uu racfaan uga qaadan karo    xukunka dilka toogashada ah.

     Xukunka ayaa yimid, maalmo yar un ka dib markii ay Puntland bayaan afka Ingi riiska ku qornaa ay ku shaacisay  in ay soo bandhigeyso baaritaanno madax bann aan oo ay ku samaysay cidda ka qaybqa adatay dilka maareyihii geeriyooday ee dekedda Boosaaso.

     Maxkamadda ciidammada Puntland ee shanta gobol iyo denbiyada culus ayaa sidoo kale xukun ku ridday sagaal ruux oo loo heystay inay dilal ka fuliyeen deega annada Puntland,iyadoo la soo bandhigay waxyaabaha Qarxa oo ay soo qabteen ciidammada nabad-sugidda Puntland.


HAY’ADAHA AMNIGA SOMALIYA OO SHACAB KA DHUUSAMAREEB KUSOO ROGAY AMAR IYO DIGNIIN

Talisyada Booliska Iyo Nabadsugida heer Federaal qeybaha ka howlgala Galmudug Fadhigooduna yahay Caasimadda Galmu dug Ee Dhuusamareeb kulamo Amniga ku saabsan kadib waxay wada jir u soo Sa areen Awaamir & digniin ku socota Sha cabka kala duwan ee ku nool Magalada Dhuusamareeb.

     Awaamiirta ay soo saareen ayaa ka kooban 10 qodob kuwaas oo dhamaant ood la farayo dadka ku nool Caasimnadda Galmudug ee Dhuusamareb,waxaana ay kala yihiin.

1: Qofkii  Iska iibinaya Garigiisa kuna Sug an gudaha Dhuusamareeb  waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Dii waangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis.

2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaa rigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lama na ogolaan doono Gaari aan laheyn Taa rgo oo ah Aqoonsiga Uu Gaariga ku shaq eeyo.

3: Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyadad Guri ku yaalla Caasimadda Dhuusamare eb rabana Inuu ijaarto (Kireeysto) Waa In uu lasoo xiriiro ama tago Talisyada Hay’a daha amniga si loola socdo dhaq dhaqaa qa cida dagaysa Guriga Sida’ Shirk ad,Hay’ad, INGO,Mas’uuliyiin ama Shaqsi Iska Caadi ah.

4: Cidii kireeysa Guri aysan la socodsiin Hay’adaha Amniga, iyaga ayaa  mas’uul ka noqon doona wixii Gurigaas lagu Qabto Ama lagu arko,kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro.

5: Qofkii la qabto, Isaga oo hub ku dhex wata M/Dhuusamareeb sida’ qori_Bistool ad_Ama Bambo aan laheyn Sumad  loo ra aco Isaga Iyo hubkiisaba waxaa la ware egi doona Hay’adaha Amniga Ee ku sug an Dhuusamareeb.

6: Gaadiidka ay ku dhegan yihiin Muraaya daha Madow (Bensalka) waxaa lagu warg alinayaa Inay Iska diiwaan geliyaan Talisy ada Amniga si loo siiyo Aqoonsiga Beens alka ama u ogolaanaya in Gaadiidkooda ay ku dhejiyaan Muraayadaha Madow.

7: Gaarigii ku dhex socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacad socodka Gaar iga Gudaha Magaalada waxaa loo arki do ona Gaari ka qayb iaadanaya qalqal galinta Amniga.

8: Qof walba waxaa laga codsanayaa Inay si buuxda ula Shaqeyaan Hay’adaha Amn iga si loo Ilaaliyo Badqabka Muwaadinka Naftiisa Iyo Maalkisa intaba.

9: Qofkii arka Gaari,Goob Ama Shaqsi uu ka shakiyo waa Inuu si deg deg ah ula Xar iiro Hay’adaha Amniga si Loo baajiyo Qa tar laga yaabo Inay Mahadho Reebto ama dhibaato culus u keento Bulshada M/Dhu usamareeb.

10: Askari kasta Ee ka tirsan Xero kamida qeybaha Ciidanka ee soo baxaya waa Inuu soo qaataa Aqonsigiisa Ciidanimo si aysan u dhicin is Maandhaaf iyo Isku Eke yn Xiliyada Howlgaladu socdaan.

Amarkaan kasoo baxay hay’adaha Amni ga Soomaaliya ee ku socda Shacabka M/ dhuusamareeb ayaa u muuqda in Amniga Magaladaas si toos ah loogu wareejiyay Hay’adaha Amniga DFS.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO XILKA QAADIS IYO MAGACAABIS SAMEEYAY

      Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto mad axweyne oo summadeedu tahay SL/XM /XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

      Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxba rashada iyo Sayniska

Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxa med Kaahin; Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka Ku: Cabdi Nuur Sugaal;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;

Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka Ku: Maxamed Abiib Yuusuf; Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Mudanayaal,

     Sida aad la socotaan, xilka qaranka ay ey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bila abo taariikhda Shalay aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

ujeedo : magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan.

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda Shalay aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Cabdishakhuur Ismaaciil Muu min Aar Aga asimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasima ha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawla dda Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal Diiriye Cabdi Jaa mac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraas yada Qaranka Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AID

FAAH FAAHINO DHEERAAD OO KA SOO BAX AYA WEERAR MADAAFIIC AH OO LAGU GAR AACAY SALDHIG AY LEEYIHIIN CIIDAMA DA KENYA

     Wararka naga soo gaarayo G/Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in rag ka tir san Al-Shabaab ay weerar mad aafiic ah ku qaa deen saldhig Cii damada Kenya oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin dule edka degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

     Mas’uuliyin ka tirsan maamulka G/Ge do ayaa xaqiijiyay weerarkaasi madaafii cda ah,hayeeshee aan weli la cadeyn Kar in khasaaraha ka dhashay.

     Goobjoogayaal sidoo kale ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay she egeen inay maqlayeen dhawaqa madaaf iicda sidoo kalana Ciidamada Kenya dhan kooda ay ugu jawaabeen madaafiic kale ta as oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn khas aaraha ay geysatay.

      Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in madaafiicda ay sitoos ah ugu dhacday gudaha Xerada Ciidama da Kenya ee duleedka Ceelwaaq ,isla ma rkaana uu jiro khasaaro ka dhashay wal low aysan soo bandhigin inta ay la egta hay.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Kenya,kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

AMIIR BANDAR BIN C/CASIIS OO LA DHA SHAY BOQORKA SACUUDIGA OO GEERIYOO DAY

     Amiir Bandar Bin Salmaan oo ahaa Walaalka ay isku aabaha yihiin Boqor Sal maan Bin C/casiis ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday da’da 96-jirka.

Amiirka geeriyooday waxa uu ahaa Amiirka ugu da’da weyn ee 10-ka Wiil ee uu dhalay Boqo rkii asaasay Boqortooyadda Sacuudiga, Boqor C/casiis Al-sacuud.

     Amiir  Faysal Bin Turki Bin C/casiis ay aa xaqiijiyey geerida Amiir Bandar oo aan haatan wax xil ah ka haynin Booqrtooy adda, inkastoo ay 3 ka mid ah Wiilashiisa oo kala ah Amiir Faysal Bin Bandar, Amiir C/llaahi Bin Bandar iyo Amiir Khaalid Bin Bandar xilal muhiim ah ka hayaan Saldanadda Boqortooyadda Sacuudiga.

 FAAH FAAHIN:-DAD LAGU DILAY TOOGASHO KA DHACDAY MAREYKANKA

     Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu we erar ku qaaday goob ay ka socotay Da baaldeg Sannadeedka dhanka cuntada oo lagu qabtay qabtay Degmadda Gilory oo 48 KM dhanka Koonfurta kaga toosan M/San Jose ee Gobalka California ee dalkaasi.

      Ugu yaraan 3 qof ayaa la soo weriyey inay ku geeriyoodeen Toogashadaasi, ka dib, markii uu Nin hubeysan uu tacshiirad ku furay dad isugu soo baxay goobta uu ka socday Dabaaldega, sida ay sheegeen Boliska iyo Saraakiisha Isbitaalka.

Wargeyska The New York Times ayaa qoray inay 3 qof geeriyootay, 12 kalena ku dhaawacmeen Toogashadaasi, isla marka ana la qabtay Nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Toogashada asi.oo dhacday Oogtii hore ee Shalayto oo Isniin ah (Abaarihii 01-dii Habeenimo ee Xilliga GMT).

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshad da ayaa laga dheehan karaa lagaa iyadoo ay dadkii ka soo qeyb galay Dabaaldega asi ay isku dhex yaacaan, iyagoo ba qdin darteeda u kala cararay.

     Madaxweyne Donald Trump waxa uu Bartiisa Twitterka soo dhigay qoraal uu da dka ku sugnaa Dabaaldegaasi , wuxuuna qoraalkiisa ku soo koobay: "Noqda kuwa taxadara iyo Ammaan”

     Dabaaldeg Cunteedkaasi oo la asa asay muddo haatan laga joogo 40-sanno waxa uu socdaa muddo 3 malamood, iya doo lagu soo bandhigayo noocyadda Cun tada, Sharaabka, Madadaalo Toos ah iyo Tartan Cunto-karin ah.

RW KU-XIGEENKA DALKA IYO DANJIRE DAA RIQ BAKHIIT OO KU KULMAY MUQDISHO

R/W  ku-xigeenka (XFS), Md.Mahdi Max amed Guuleed (Khadar) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashi ga islaamka (OIC) ee Arrimaha Bini’aadmini mada, dhaqanka iyo arri maha bulshada, Danjire Daariq Cali Bakhiit.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka iskaashiga islaamka ee Arrimaha Bini’aadminimada, Dhaqanka iyo Arrimaha bulshada, ayaa looga hadlay xaaladda dalka iyo taageerada joogtada ah ee OIC ay siiso dowladda iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

     R/l Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa Danjire Daariq Cali Bakhiit ka guddoomay warqad uu madaxwaynaha dalka, Max amed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uga siday xoghayaha guud ee Ururka iska ashiga islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Axmad Al Cuthaymiin.

MAXAA HAWEENEYDAN KU QASBAY IN AY UGAAS NOQOTO?

     Haweeney ku nool Garisa, Gobolka Wa qooyi Bari ee Kenya, ayaa loo caleemo saaray in ay noqoto ugaaska beel ka mid ah beelaha halkaas dega.

Sameey Axmed Haaruun oo hadashay markii la caleema saaray kaddib waxa ay sheegtay inay haweenka reerkeeda si cad aalad ah ugu shaqeyn doonto, sidoo kal ena ay caawin doonto raggii u yimaada.

Waa dhaqan ku cusub bulshada Soomaa lida in haweeney ugaasnimo loo caleemo saaro. Xilka ugasnimada waxaa dhaqan ahaan Soomaalida u qabta rag.

     Samey Axmed Haaruun oo BBC-da la hadashay ayaa ka warbixisay waxa ay ku dooratay xilkaan. "Ugaasnimadayda wax ay ku bilaabatay, rabitaankayga oo ahaa inaan beeshayda mideeyo, howshaan wax aan ka shaqaynaynay muddo saddex sano ah," ayey tiri.

     "Wadatashi badan ka dib waxaan istu snay in nabadgelyada iyo xalkaba uu gac anta ugu jiro dumarka oo ah hooyooyiinka dhalay ilmaha. Waa inaan walaalnimadii iyo wanaagii ka dhaxeeyey dadka la mu ujiyo."

      Ugaasad Samey ayaa sheegtay in ho wshaan ay kaalin mug leh ka gaysteen du marka "oo lahaa fikradda iyo qaban qaa bada".

     "Waxaa ra'yiga iska lahaa oo arrinkan bilaabay 20 dumar ah, waxaan wacyigelin ka dhex abuurnay bulshada. Hadda waxa an gaaraynaa illaa 500 oo xubnood. Kul amo aan yeelannay kaddib waxa ay go'a ansadeen in ay isiiyaan fursad aan ugaas ad uga noqdo," Ayey Sameey u sheegtay BBC Somali.Haddaba sidey Sameey kula shaqaynt ooda ugaaska beesha ay ka soo jeeda?Xilkan cusub ee loo dhiibay Same ey lama soo wada dhoweyn. Waxaa jiro qaar ka mid ah oday dhaqameedyada isla beeshaan oo ka soo horjeeda caleemasa arkeeda."Dhaqan aanan lahayn ayaa lugaha noola geliyey, mana aqbaleyno arrinkan. Waxa an leennahay dhaqan soo jireen ah," Ayuu yiri Jibril Kadiye oo isku reer ay yihiin Uga asad Sameey.Balse Waxay Sameey qab taa in ay ragga kala shaqeyndoonto arrim aha bulshada, gaar ahaan wixii quseeya dumarka.

       Sameey waxay tiri: "Wax dhibaato ah oo aan ka tabanayno ma jiraan ugaaska, waxaana nahay dad qaraaba ah. Marka ay dumarka dhibaato wajahaan way iikee ni karaan raggana ugaaska ayey u gayn karaan".

     "Ragga wax wey ka qaban waayeen arrimaha haweenka. Waxaan aniga ugaa sad u ahay haweenka waxaan diyaar u ahay in aan si cadaalad ah dadka ugu sha qeeyo, aana u gargaaro kuwa tabaal eysan."

     Sameey ayaa haweenka u dirtay fariin waxa ayna tiri " Midooba oo ka wada shaqeeya hormarka, raggana garabsiiya"

X:BBC

PUNTLAND OO HAKISAY ISU SOCODKA DADWEYNAHA IYO GAADIIDKA

     Taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Muxudiin Axmed Muuse oo Shalay war iyeyaasha kula had lay Garoowe ayaa shaaciyay amarro cu sub oo amniga la xir iira. Wuxuu sheeg ay in dhammaan go bollada Puntland la hakiyay isku socod ka laga billaabo 31 bishan July, waxaa inta dheer in la mamnuucay hubka iyo gaadiidka la dhigayo goobaha ay bulshadu ku kullanto.

Amarradan ayaa looga dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada deegaannada Puntland maalmaha loo dabaaldeggayo aasaaska Puntland oo hadda laga joogo muddo 21 sanno ah.

" Waxaan wargelinayna bulshada iyo gaadiidlayda in la xiray waddooyinka oo aysan jirin doonin gaadiid u kala socdaall aya gobollada ama soo galaya, laga billaabo 31 bishan." ayuu yiri taliye ku xige enka Booliska.

"Sidoo kale waxaa la mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalooyinka, iyo in gaadiid la dhigto hareeraha waddooyinka iyo goobaha ay bulshada isugu imaanay aan." ayuu ku daray.

    Dhammaaan deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garow la xir iira xuska kowda bisha Agoosto oo ah xi lligii la dhisay dowlad-gobolleedka Sooma aliyeed ee Puntland, iyada oo maamulka uu sheegay sannadkan si wayn in loogu dabaaldeggayo xuska


GOLAHA MILLITERIGA IYO MUCAARADKA SUUD AAN OO MAANTA DIB U BILAABI DOONA WADA-XAAJOODKOODA

      Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika u gu qaabilsan Arrimaha dalka Suudaan, Maxamed Al-xasan Lebed  waxa uu ku dhawaaqay in Wada-xaajoodkii Golaha Milliteriga ee RMG iyo Isbahaysiga Muc aaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ay berrito dib u bilaabi doonaan Wada-xaa joodkooda, si ay u dhamaystiraan qoddob adda ka dhiman Heshiiskooda Taariikhiga.

Hadal-qoraal oo Xafiiska Ergayga Mido wga Afrika ka soo baxay ayaa lagu shee gay in Kulankaasi ka furmi doono caasi madda dalkaasi ee Khartoum, si ay dhina cyadda u wada gorfeeyaan dhamays tirka Bayaanka Dastuurka iyo qoddobadda ku xiriirsan.

     Labada dhinac waxay kaloo isla meel dhigi doonaan Awoodaha Golaha Madaxa bannaan iyo xilka Ra’isul-wasaaraha ee muddada Ku-meel-gaarka.

Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka waxay bishan July 17-dii wada saxiixdeen Bayaan Siyaasadeed, ka asi oo lagu kala qeexay Habraaca Xilliga Kala-guurka dalkaasi.

     Waxay isla garteen in la dhiso Gole Ma dax bannaan oo ka kooban 11 xubnood oo ay min 5 xubnood u kala qaateen iyo qof rayid ah oo lagu soo xuli doono La-tashiga Golaha Milliteriga iyo Isbahaysiga Mucaaradka.

      Sidoo kale, waxaa Heshiiskooda ka mid ahaa in la dhiso Gole Wasiiro oo aan ka badnayn 20 xubnood, iyo in la soo do orto Ra’isul-wasaare iyadoo loo marayo La -tashiga Liiska ay soo bandhigaan Isba haysiga Mucaaradka.

     Golaha Milliteriga ee haatan haya Tala da dalka Suudaan waxay muran la’aan u hayn doonaan Xilalka wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Dowladda la soo dhisi doono.

MAREYKANKA OO WAR KASOO SAARAY DUQ EYN KA DHACDAY BUURAHA GOLIS

     Taliska Hawlgalka Milliteriga Marayk anka ee AFRICOM waxay sheegeen inay Sabtidii la soo dhaafay duqeyn Diyaar adeed la beegsadeen Daacish-ta Somalia ee ku sugan Buuraha Golis ee Waqooyiga Somalia.

      Taliska AFRICOM oo Dorraad soo saa ray War-saxaafadeed waxay ku sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Daacish-ta Somalia, isla markaana ay DFS iska kaashadeen Hawlgalkaasi.

      AFRICOM waxay kaloo sheegeen in qofka ay dileen uu door muhiim ah u fudu deynta Tas-hiilaadka ee Daacishta Som aliya, balse, faahfaahin kale kama aysan bixinin magaciisa iyo Kaalinta uu ku lahaa Hawlgfelinta Ururkaas.

      Dhinaca kale, AFRICOM waxay sheeg tay inaysan duqeyntaasi wax dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaarin dadka ray idka.

       Jeneral William West oo ka tirsan Ciid danka Cirka ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay Dowladaha Maraykanka iyo Somalia sii wadi doonaan hawl galladda ay ku arbushayaan Dhaqdha qaaqyaddaDaacish-ta Somalia , isla mar kaana ay hoos u dhigi doonaan Awoodaho oda inta suurtogalka ah.

      Si kastaba ha ahaatee, Duqeyntii ugu horreysay ee Maraykanka la beegsadaan Maleeshiyadda Daacishta Somalia ayaa waxa uu dhacay bishii November 4-dii ee sannadkii 2017-kii.

WAA TUMA GABADHA SAAXIIBKA LA AH RA'IISAL WASAARE BORIS JOHNSON?

    Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Boris Johnson, ma ahan qofka kaliya ee saxaafaddu ay danaynaysay markii uu jee dinayey khudbaddii uu xilka kula waree ga yey, balse Carrie Symonds ayaa ah qof ka kale ee aadka ay saxaafaddu isha ugu ha ysyay.

 Symonds oo ah 31 jir ayaa saaxiib la ah    Ra'iisal Wasaare Boris Johnson oo 55 jira  waana tan keentay in saxaafaddu ay isha ku  hayso

Waa tuma Carrie Symonds?

Carrie Symonds waa gabadh uu dhalay mid ka mid ah aas aaseyaasha wargeyska The Independent.

Kaddib markii ay dhammaysatay jaama cadda Warwick oo ay ka dhigatay taar iikhda iyo masraxiyadda waxay la shaqo bi lowday xisbiga Conservative-ka oo ay    saxaafadda u qaabilsanayd.

    Sannadkii 2012-kii waxay ka mid ahayd koox u ol'olaynaysay Boris Johnson in mar kale loo doortay duqa magaalada London.

Kaddib markii ay la taliye u soo noqotay la bo ka mid ah wasiiradda Ingiriiska, oo uu ka mid yahay Sajid Javed oo markaas was iirka daakhiliga ahaa, ayay waxay noqotay gabadhii ugu da'da yarayd ee dhanka sax aafadda u qaabilsan xisbiga Conservative-ka.

Muddo yar kaddib markii ay soo shaac bax day in ay xidhiidh la leedahay Boris Joh nson, waxay isaga tagtay shaqadeedii, oo waxay la taliye sare ka noqotay hay'ad samafalka ka shaqaysa, oo ka shaqaysa xuquuqda xayawaanka iyo deegaanka.

Barteeda ay Twitter-ka ku leedahay ayay inta badan uga hadashaa macluumaad ku saabsan dikhoowga cimilada.

Mrs Symonds ayaa sidoo kale u dhaq dhaqaaqda ka hortagga gudniinka gabdh aha.

      Ma cadda markii ay isbarteen Mr Joh nson iyo Symonds balse xidhiidhkooda ay aa la xaqiijiyey kadib markii ay kala tageen xaaskiisii Marina Wheeler oo ay 25 sano is qabeen afar carruur ahna ay isu dhaleen.

Ma cadda nooca uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya Mr Johnson iyo Mrs Symonds, bishii la soo dhaafayna muran dhexdooda ah ayaa gaaray booliiska dalkaas.

MUHAAJIRIIN LAGU SOO QARIYEY GAARI OO GACANTA LAGU DHIGAY

Booliska dalka Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 79 qof oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo lagu soo qariyey Gaari Xamuul.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in Muhaajirii ntaasi lagu qabtay Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Saraakiil ka kala socotay Bol iska dalalka Waqooyiga Mesedooniya iyo dalka Hangeri.

Gaariga ay la socdeen Muhaajiriintaasi waxaa lagu joojiyey Degmadda lagu magacaabo Gegelija ee Koonfurta dalkaasi, kuna taalla meel ku dhow xuduudka ay labadaasi dal wadaagaan.

Dareewalkii Gaariga waxaa la sheegay in la xiray, halka Muhaajiriinta loo gudbiyey  Xarun dadka lagu hayo, ka hor inta aan dib loogu celinin dalka Giriigga oo ay ka soo tahriibeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip