Sheekh Cali Wajiis oo ka qeyliyey warbixin uu ka qoray wargeys Sacuudi ah (Maxaa ku jiray?)

0
Tuesday July 30, 2019 - 06:24:25 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Wajiis oo ka qeyliyey warbixin uu ka qoray wargeys Sacuudi ah (Maxaa ku jiray?)

    Wargeyska Alwaddan ee kasoo baxo dalka Sacuudiga ayaa Maanta daabacay Warbixin ku saabsaneyd inuu Shiikh Cali Wajiis oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka u sheegay wargeyskaas inay Dowladda Soomaaliya ku tuhmeyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Alwaddan ee kasoo baxo dalka Sacuudiga ayaa Maanta daabacay Warbixin ku saabsaneyd inuu Shiikh Cali Wajiis oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka u sheegay wargeyskaas inay Dowladda Soomaaliya ku tuhmeyso dalka Qadar inay ku lug leedahay qaraxyada iyo dilalka ka dhaco Soomaaliya.

Wargeyska ayaa sheegay inuu Shiikh Cali Wajiis arrintaas ku sheegay wareysi ay la yeelatay 26 Bishaan oo ku beegneyd waqtigii ay taagneyd Warbixintii uu qoray Wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka kaasoo lagu soo bandhigay hadalo ay is dhaafsadeyn Ganacsade iyo Safiirka Qadar u fadhiyo Soomaaliya oo muujinayo inuu jiro xiriir ay Dowladda Qadar la leedahay dilalka iyo qaraxyada ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.

Al-Waddan ayaa qoray isaga oo kasoo xiganaya Sheekh Cali Maxamuud Xasan la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya in dalka Soomaaliya yahay meel u furan Kooxo iyo hay’ado sirdoon oo kaladuwa isaga oo sababta kusheegay in aanay illaa hadda Soomaaliya u suuragalin in ay hesho waxyaabihii u sahli lahaa illaalinta iyo kahortegidda caqabadaha taagan sida laamaha sirdoonka iyo lsocoshada iyo tirada iyo tayada ciidanka oo aan weli ku filnayn u babac dhigga arrimaha halista ku ah Ammaanka.

Wargeyska Al-Waddan waxa uu daabacay in Sheekh Cali Maxamuud (Wajiiz) uu u sheegay in dowladda Qatar ay tahay Argagixiso-kalkaal ayna xiriir qoto dheer la leedahay xarakada Alshabaab ee la dagaalanta dowladda Soomaaliya iyada oo soo dhoweyn u fidisay Maxamed Siciid Atam oo horay uga tirsanaa Alshabaab sidaas oo kalana ay weli xiriir la leedahay madax katirsan kooxahaas.

Wargeyska ayaa sheegay in uu ka soo xigtay Sheekh Cali Maxamuud Xasan la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya in dhinacyada uu quseeyo arrinkani ay doonayaan in la laalo galka kusaabsan codkii la duubay ee uu daah qaaday Wargeyska New York times kaas oo kusaabsanaa in Qatar kadambeysay Qaraxyo kadhacay Soomaaliya, g si gaar ahna ay Qatar dooneyso in ay kasbato xubno kamid ah laamaha nabadgelyada iyo Siyaasiyiin Soomaali ah.

Haddaba Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis) ayaa beeniyay warbixintaas lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa Dalka Sucuudiga.

Sheekh Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wargeyskan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa.

Lataliyaha Madaxweyne Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa tilmaamay in aysan Soomaaliya xamili karin in loo soo tallaalo khilaafyada Gobolka, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si muuqda loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale cagahooda ugu istaagi lahaayeen.

"Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.”

Wuxuu sheegay mowqifka Dowladda ee ku aadan Warbixintii uu qoray Wargeyska New York Times inuu saxaafadda la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad.

Sheekh Cali Wajiis ayaa xusay mowqifka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin khilaafyada dalalka aan bahwadaagta nahay, mowqifkaas oo ku saleysan dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobalka.

Hoos ka dhageyso codka


Audio Player

 

XIGASHO:-Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip