Olaha Milliteriga Iyo Mucaaradka Suudaan Oo Berrito Dib U Bilaabi Doona Wada-Xaajoodkooda

0
Monday July 29, 2019 - 21:24:42 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olaha Milliteriga Iyo Mucaaradka Suudaan Oo Berrito Dib U Bilaabi Doona Wada-Xaajoodkooda

    Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Suudaan, Maxamed Al-xasan Lebed waxa uu ku dhawaaqay in Wada-xaajoodkii Golaha Milliteriga ee RMG iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ay berrito dib u bilaabi doonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Suudaan, Maxamed Al-xasan Lebed waxa uu ku dhawaaqay in Wada-xaajoodkii Golaha Milliteriga ee RMG iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ay berrito dib u bilaabi doonaan Wada-xaajoodkooda, si ay u dhamaystiraan qoddobadda ka dhiman Heshiiskooda Taariikhiga. Hadal-qoraal oo Xafiiska Ergayga Midowga Afrika ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Kulankaasi ka furmi doono caasimadda dalkaasi ee Khartoum, si ay dhinacyadda u wada gorfeeyaan dhamaystirka Bayaanka Dastuurka iyo qoddobadda ku xiriirsan. Labada dhinac waxay kaloo isla meel dhigi doonaan Awoodaha Golaha Madaxa bannaan iyo xilka Ra'isul-wasaaraha ee muddada Ku-meel-gaarka. Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka waxay bishan July 17-dii wada saxiixdeen Bayaan Siyaasadeed, kaasi oo lagu kala qeexay Habraaca Xilliga Kala-guurka dalkaasi. Sidoo kale, waxaa Heshiiskooda ka mid ahaa in la dhiso Gole Wasiiro oo aan ka badnayn 20 xubnood, iyo in la soo doorto Ra'isul-wasaare iyadoo loo marayo La-tashiga Liiska ay soo bandhigaan Isbahaysiga Mucaaradka.Waxay isla garteen in la dhiso Gole Madax bannaan oo ka kooban 11 xubnood oo ay min 5 xubnood u kala qaateen iyo qof rayid ah oo lagu soo xuli doono La-tashiga Golaha Milliteriga iyo Isbahaysiga Mucaaradka. Golaha Milliteriga ee haatan haya Talada dalka Suudaan waxay muran la'aan u hayn doonaan Xilalka wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Dowladda la soo dhisi doono.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip