Xildhibaan Cabdi Shire "Xukuumadda Bedela Inta Aan La Gelin Villa Somalia"

0
Monday July 29, 2019 - 21:22:16 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cabdi Shire "Xukuumadda Bedela Inta Aan La Gelin Villa Somalia"

    Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka soo ka dhacay Hoolka Shirarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xildhibaan Cabd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka soo ka dhacay Hoolka Shirarka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Xildhibaan Cabdi Shire ayaa waxaa qaraxaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uga hadlay Tix Kooban uu ku Cabiray fikirkiisa,isla markaana waxaa uu Eedeeymo kala duwan u jeediyay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa Xukuumadda Federaalka ku eedeeyay xil gudasho la'aan,isagoona Tixda uu tiriyay ku soo jeediyay in la bedelo ay haboon tahay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inta aan la gelin Villa Soomaaliya. Si kastaba Qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Banaadir ayaa waxaa lagu waayay dad badan oo qiimo ku dhex lahaa Bulshada Soomaaliyeed,waxaana ku dhaawacmay Mas'uuliyiin uu ku jiro Guddoomiyaha Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo xubno kale. Hoos ka Akhriso Tixda uu tiriyay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel. "Haddii gobolkii la galay Gudoomiyeyaal ay go'een Yariisow garaabo yahay Xilkiinii aad gabteen Gaf iyo waa meel ka dheceHadana guul sheegataan Gadood shacab intuusan iman Filada aan leydin ku galin Garoowshiiyo muujiyoo Golaha xukuumadda bedela Xil gudasha la'aan darteed Gaalshire waa in loo diraa Kuwii amnigeena gabay .."




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip