Murashax Madaxweyne Oo Ka Badbaaday Qarax

0
Monday July 29, 2019 - 21:19:54 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Madaxweyne Oo Ka Badbaaday Qarax

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, 50-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin ka dhacday caasimadda dalka Afganistan ee Kabul. Is-qarxintaasi waxaa lala beegsaday Xafiiska mid ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Afganistan oo lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootay, 50-kalena wey ku dhaawacmeen Is-qarxin ka dhacday caasimadda dalka Afganistan ee Kabul. Is-qarxintaasi waxaa lala beegsaday Xafiiska mid ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Afganistan oo lagu magacaabo Amrullaah Salaax, kaasi oo uu soo gaaray dhawaac fudud. Hadal maanta ka soo baxay Dowladda Afganistan ayaa lagu sheegay inuu qaraxaasi ka badbaaday Amrullaah Salaax oo u tartamaya inuu Madaxweyne-ku-xigeen u noqdo Madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi ee Ashraf Qaani. Weerarka Is-qarxinta oo ay israsaasayn la socotay aya waxay ka dhacday Xafiiska Murashaxa oo ka koobnaa 4 Dabaqa, iyadoo Ciiddanka Ammaanka iyo Maleeshiyadda weerarka geysatay uu dhex maray dagaal socday muddo 6 saacadood. In ka badan 150 qof oo rayid ah ayaa laga soo badbaadiyey dhismaha uu dagaalku ka dhacay.Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Nasrat Raxiimi waxa uu sheegay in la dilay 3 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, inkastoo ay dad badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen weerarkaasi. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi oo dhacay saacado kadib, markii ay Madaxweyne Ashraf Qaani iyo Murashaxiisa Madaxweyne-ku-xigeenka, Amrullaahi Salaax iyo Siyaasiyiin kale bilaabeen Ololahooda Doorashadda Madaxtinimadda oo la filayo inay dhacdo bisha September 28-da ee sannadkan. Ololaha doorashadda oo socon doona muddo 2 bilood ayaa waxaa aad looga walaacsan yahay dhanka Ammaanka, iyadoo ay Dagaalamayaasha Daalibaan iyo Daacish si firfircoon uga hawl-galaan guud ahaan dalka Afganistan. Labadaasi kooxood waxay maalin kasta geystaan weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciiddamadda iyo Shaqalaaha Dowladda, Xarumaha Ciiddanka Caalamiga ee ka hawlgala dalkaasi iyo dadka rayidka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip