Burundi Oo Shaacisay In Ciidamo Ay Ku La'dahay Dagaalkii Duleedka Balcad

0
Monday July 29, 2019 - 21:10:14 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burundi Oo Shaacisay In Ciidamo Ay Ku La'dahay Dagaalkii Duleedka Balcad

    Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 6 Askaari looga dilay dagaal ay Alshabaab maalintii Sabtida ee la soo dhaafay kula galeen Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe. Afhayeenka oo Saqdii dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 6 Askaari looga dilay dagaal ay Alshabaab maalintii Sabtida ee la soo dhaafay kula galeen Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe. Afhayeenka oo Saqdii dhexe ee xalay Weriyayaasha kula hadlay caasimadda dalkaasi ee Bujumbura waxa uu tilmaamay in Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ay weerar kala kulmeen Dagaalamayaasha Alshabaab Degmadda Balcad oo 30 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Muqdisho. Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo tiradooda dhan tahay 5,432 Askari waa Ciiddanka 2-aad ee ugu tirada badan Hawlgalka AMISOM, marka laga soo tago Ciiddanka Uganda oo ay Somalia ka joogaan in ka badan 6,000 oo Askari."6 Askari isla goobta ayey ku geeriyoodeen, 3 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, iyadoo 2 Askari oo kalena la la' yahay raqdooda iyo ruuxooda" ayuu yiri Afhayeenka Ciiddanka dalka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke. Ciiddanka Burundi waxay Somalia ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 2007-dii oo Ciiddanka AMISOM u soo daad-gureeyey gudaha Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip