200 oo milyan oo geed oo hal maalin lagu beerayo dalka Itoobiya

0
Monday July 29, 2019 - 20:45:17 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    200 oo milyan oo geed oo hal maalin lagu beerayo dalka Itoobiya

    Waa fikradii Raiisulwasaare Dr Abiy Axmed oo dalku ku galayo taariikh caalami ah oo maalin qudha lagu beerayo tiro aan horey loo samayn. hadaba, muwaadin ma isku diyaarisay inaad ka qayb gasho buugga dhacdooyinka dunida? Maalmaha Dhirberista Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa fikradii Raiisulwasaare Dr Abiy Axmed oo dalku ku galayo taariikh caalami ah oo maalin qudha lagu beerayo tiro aan horey loo samayn. hadaba, muwaadin ma isku diyaarisay inaad ka qayb gasho buugga dhacdooyinka dunida? Maalmaha Dhirberista Dalka. Waxaa lasoo gabogabeeyey qorshihii




diyaargarowga dhirbeerista deegaanka soomalida.

Waxaa maalinta bariya oo ay taariikhdu ku beegantahay 22 bisha Hamle 2011ka T.I guud ahaan dalka oo dhan laga beeri doonaa 200,000000 (laba boqol oo milyan) oo Geed,arintaasi oo dhaman deegaanada dalka ka dhici doonta.Qorshaha dhirbeerista oo deegaan walba samaynayo ayaa waxaa deegaankeena soomaalida maalinta bariya laga beeri doonaa 16,000000 milyan (lix iyo toban milyan) oo Geed,iyadoona dhirbeeristan ay ka qaybqaadan doonaan masuuliyiinta uugu saraysa xukumada deegaanka soomaalida,qaybaha kala duwan ee masuuliyiinta heer deegaan,shaqaalaha xafiisyada dowlada,maamulada gobolada,degmooyinka,iyo maamul magaalooyinka deegaanka shaqalaha dowlada ee ka howlgala goobahan,dhamaan bulshada qaybaheda kala duwan,ururada rayidka iyo ciidamada kala duwan ee deegaanka.

Qorshahani dhirbeerista dalka ayaa noqon doona mid dhiga diiwaan cusub oo tiradii ugu badnayd ee dhirbeeris lagu sameeyo dalka taaso taariikhda dunida baalwayn kagali doonta.

Hadaba muwaadin si qorshaha dhirberista deegaankeena iyo dalkaba loogu guulaysto waxaa waajib inaga wada saaran yahay in qof walba beero laba geed oo diiwaanka ugala.

 

 

Madaxwaynaha DDS Oo Ka Qayb galay Ol-olaha dhirbeerista.

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka qaybgalay ol-olaha dhirbeerista ee magaalooyinka Jigjiga iyo Qabribayax.

Madaxwaynaha Ayaa ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka heerar kooda kaa duwan in uu qofkasta xilka saaran yahay in uu dhirbeero islamarkaana uu ilaaliyo daryeelka geedaha uu beeray si loo taabagaliyo ujeedooyinka qorshaha dirbeerista.

Warkan oo faah-faahsan kala soco SRTV.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip