Video: Muuqaalka gabadhii fulisay qaraxii G/Banaadir iyo wareysi ay hore u bixisay

0
Sunday July 28, 2019 - 07:36:51 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Muuqaalka gabadhii fulisay qaraxii G/Banaadir iyo wareysi ay hore u bixisay

    Muqdisho (Caasimada Online) –Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (Caasimada Online) –Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadha weerarka fulisay ay gacan ku siisay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay.

Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir.

Dad badan ayaan muuqaal ahaan arkin gabadhan, waxaana helnay wareysi ay ku dhowaad sanad ka hor siisay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii loo magacaabay xilka agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo wareysiga Basiira

XIGASHO:Caasimada Online




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip